
Khamiis, Feberaayo, 15, 2018 (HOL) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xuseen Afrax oo gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa la kulmay laamaha amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliye Mukhtaar, ayaa ujeedada safarkiisa lagu sheegay ka qeybgalka wajiga Labaad ee Shirka booliska Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo halkaasi ka furmaya.
Gen. Mukhtaar iyo saraakiisha la socota ayaa kulamo gaar gaar ah oo is xog wareysi ah la qaatay laamaha amniga Koonfur Galbeed oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xuseen (Eelaay), Taliyaha ciidamada Booliska Maamulka Jen Mahad C/raxmaan Aadan iyo saraakiil kale.
Dhinacyada ayaa ka wada hadlaya baahiyaha dhanka amni ee ka jira degaanada Koonfur Galbeed, waxayna isla meel dhigeen qodobo dhowr ah, oo la xiriira ammaanka degaanada Maamulka.
Jen Mukhtaar waxaa safarka ku wehlinaya taliyayaasha Booliska Dowlad goboleedyadda, mas’uuliyiin ka kala socota Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Wasaaraddaha Amniga maamulada dalka ka jira.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]