Nabadoon Xaaji Muuse Cabdi Mire oo ku geeryooday Maraykanka

Khamiis, Feberaayo, 15, 2018 (HOL) – Ilaahay Naxiirtii jano ha ka waraabiyee waxaa magaaladda Sandeigo ee gobolka Califonia USA ku geeryooday bishaan 12 keedii Xaaji Muuse Cabdi Mire. 

Xaajigu waxuu ka mid ahaa Nabadoonada  Soomaaliyeed ,waxaana aad looga xasuustaa inuu aad uga hadli jiray arimaha Haybsooca ee lagu hayo qaar ka mida dadka Soomaaliyeed.

Xaaji Muuse Allaha u naxariistee wuxuu sanadahii 2004tii iyo 2005 tii ku qabtay kulamo balaaran Jaamacada gobolka Minnesota ,waxaa kaloo khudbado uu arimahaa uga hadlaayo ka jeedin jiray kulan diineedka ka dhaca Magaaladda Minneapolis oo ay isaguimaan jireen boqolaal qof.

Abwaan Cismaan Ducaale  ayaa HOL uga waramay Taariikhdii Xaaji Muuse ayaa yiri Xaajigu waxuu ku dhashay magaaladda Jigjiga 1935 tii waxuuna wax ku bartay Magaalooyinka Jabuuti iyo Cadan

Xaaji Muuse waxuu dalka Soomaaliya katagay yaraantiisii oo tagay dalka Sacuudiga halkaas oo uu ka shaqeen jiray kana sameeyay shirkado ganacsi oo hano qaaday qayb muhiimana ka qaatay dhismahii dalka Sacuudiga.

Xiligii uu burburay qarankii Soomaaliyeed ayuu xaajigu u soo guuray dalkaan Maraykanka waxuuna xubin firfircoon ka ahaa Oloahii la dagaalanka hayb-sooca oo ay ku midoobeen dad badan oo ku kala nool daafaha dunida, waxaa kayd noo ah Khudbadahii uu ka jeediyey Jaamacada Minnesota oo ah kuwo aan iloobi karin,

Xaaji Muuse allaha u Naxariistee dadkii yaaqan waxay sheegeen in uu ahaa taqi af gaaban xaqana aan ka gaban ayuu ku soo koobay Cismaan Ducaale Taariikhda Xaaji Muuse Cabdi Mire Allaha u Naxariistee.

Xaajigu wuxuu ifka kaga tegey qoys balaaran oo ka kooban Hooyo Shan wiil iyo Shan hablood iyo caruur badan oo ay sii dhaleen oo uu awoowe u ahaa.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis,MN