Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Shir dib loogu eegayay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo saddex maalin ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo.
newsinsideShirka ayaa inta uu socday waxaa ka qaybgalay guddiyada dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Baarlamaannada dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo guddiga madaxa bannaan ee dibu eegista dastuurka.
Ka qaybgalayaasha ayaa ka doodday shan cutub oo ka tirsan dastuurka oo dib u eegis iyo wax ka badal lagu sameeyay.
Geeddi socodka dastuurka Soomaaliya ayaa qorshaha uu yahay in lasoo dhamaystiro kahor sannadka 2020 oo la qorsheeyey in la qabto doorasho shaqsi iyo cod, inkastoo caqabado dhanka ammaanka ah uu ka jiro dalka qaybo ka mid ah.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Onilne
[email protected]
[email protected]