
Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Shirkii dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo ka socday saddex maalin magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa la soo gabagabeeyay,iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed.
newsinsideShirka ayaa muddada uu socday waxaa ka qaybgalay guddiyada dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer maamul gobolleed, waxaana la tashi lagala sameynayay guddiyada dastuurka dowlad gobolleedyada shan cutub oo kamid ah dastuurka kuwaas oo dib u eegis lagu sameeyay.
War murtiyeedka shirka ka soo baxay ayaa lugu sheegay in bisha labaad ee sannadka 2019 la qaban doono shir kale oo looga dooddi doono cutubyada dasuurka ee ilaa iyo hadda dib u eegista lagu sameeyay,waxaa kalo dhinacyada shirka ka qaybgalay ay ku ballameen in la dardargeliyo qabyo tirka iyo dib u eegiska dastuurka Soomaaliya.
Gabagabadii, war murtiyeedka shirka laga soo saaray ayaa baaq de deg ah oo ku aaddan xallinta khilaafka loogu diray madaxda heer federaalka iyo heer dowlad gobolleed si loo dardargeliyo dib eegista dasuurka lagana fogaado wax walba oo caqabad ku noqon kara howlaha dib u eegista dastuurka dalka.


[email protected]