
Jimco, December 5, 2025 (HOL) - Banaanbaxyo rabshado wata ayaa fiidnimadii Khamiista ka qarxay magaalada Boorama, xarunta gobolka Awdal ee Somaliland, kadib markii Xukuumadda Somaliland ay ogolaatay in magaalada Saylac lagu qabto munaasibadda buugga Xeer Ciise ee muranka dhaliyay.
Banaanbaxayaasha, oo ay hoggaaminayeen dhallinyaro iyo haween, ayaa la sheegay in ay sababteen dhaawacyo soo gaadhay dad dhowr ah, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha saxda ah. Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa weeraray goobo muhiim ah, oo ay ku jirto xarunta Baanka Dhexe ee Boorama.
Dhallinyarada mudaharaadka sameynaysay oo si degdeg ah uga cadhooday go’aanka xukuumadda ayaa ku dhawaaqayay erayo muujinaya cadho iyo inay ka soo horjeeddaan munaasibadda buugga Xeer Ciise, iyaga oo waddooyinka qaar ku jaray dhagax isla markaana ku gubay taayirro.
Ciidamada booliiska oo halkaas soo gaadhay ayaa la arkayay iyaga oo rasaas kor u ridaya, halka shacabka qaarkood iyo baabuurta gaashaaman ee booliisku ay isku eryanayeen gudaha Boorama. Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Muxuuyahay go'aanka ay shacabku ka cadhoodeen ee xukuumadu gaadhay?
Kadib maalmo laysku maan dhaafsana xeerka, Xukuumadda Somaliland ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in munaasibadda Xeer Ciise lagu qaban doono magaalada Saylac 14-ka December 2025, iyadoo tilmaantay in dhammaan shacabka Somaliland u siman yihiin dhulka, islamarkaana aan la aqbali doonin in beel gaar ahi sheegato meel gaar ah.
Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo go’aanka akhriyey, ayaa sheegay in xukuumaddu ay mas’uul ka tahay amniga, diyaar-garowga, iyo habsami u dhicista munaasibadda, isla markaana Madaxweynaha Somaliland uu gogol nabadeed u fidinayo bulshada Awdal iyo Salal si loo xoojiyo kalsoonida iyo wada-noolaanshaha.
Go'aanka ayaa yimid kadib markii qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobollada Awdal iyo Salal ayaa diideen in munaasibadda lagu qabto Saylac, iyaga oo ku andacoonaya inay iyagu leeyihiin magaalada, taas oo dhalisay khilaaf hor leh. Xukuumaddu waxay ciidamo u daad-gureysay deegaanada khilaafku ka taagan yahay, kadib markii dhallinyaro ka kala tirsan labada dhinac ay rabshado dhex mareen bilo kw hor.