
Jimco, December 5, 2025 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 61aad, Guutada 6aad, Qeybta 60aad ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen magaalada Baraawe ku soo qabtay Xashiish iyo kaniiniyaal maandooriye ah oo lagu kala ganacsanayay gudaha magaalada.
Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 61aad, Dhamme Jamaal Cilmi Aadan, kaas oo sheegay in muddadii uu socday howlgalka lagu bartilmaameedsaday goobaha lagu kala iibiyo maandooriyaha.
Ciidanka ayaa goob fagaare ah ku gubay xashiishkii iyo kaniiniyadii daraagiska ahaa ee lagu soo qabtay intii uu howlgalka socday, taasoo fariin cad u ah dadka ku hawlan ganacsiga mukhaadaraadka sida ay baahisay idaacada Ciidanka Qaranka.
Taliyaha Ururka 61aad, Dhamme Jamaal Cilmi Aadan, oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin adag u diray dadka ka ganacsada maandooriyaha, isagoo sheegay in howlgalada la xiriira ciribtirka mukhaadaraadka ay sii socon doonaan, isla markaana aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo ku lug leh.
Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidamada ay ugu jiraan sugidda amniga iyo badbaadinta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada uu saameynta ku yeesho mukhaadaraadku.