Natiijada rasmiga ah ee sahmintii Shidaalka Soomaaliya oo berito looga dhawaaqi doono dalka Turkiga

Cabirka Farta

Isniin, December 29, 2025 (HOL) - Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga Xasan Sheekh Maxamuud iyo Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa maalinta berito ah ay si wadajir ah ugu dhawaaqaan natiijada rasmiga ah ee kasoo baxday sahmintii Shidaalka uu Turkiga ku sameeyay xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa mudo dheer ku howlaneyd sahmin ay ka waday xeebaha Soomaaliya, taasoo lagu ogaanayay shidaalka iyo gaaska ku jira biyaha Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah berito ku tagi doona magaalada Ankara, halkaas oo ay labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga kaga dhawaaqi doonaan natiijada kasoo baxday sahmintii shidaalka Turkiga uu ka baarayay xeebaha Soomaaliya.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale ka wada hali doona  go’aankii dhawaan ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland iney tahay dal ka madaxbanaan Soomaaliya, waxaana la filaya in Turkiga uu kulankaasi kusoo bandhigo mowqifkiisa taageerada Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa dhigiisa dalka Turkiga Dr. Alparslan bayraktar kulan mira dhal ah kala yeeshay arrimaha la xariira Sahminta shidaalka ee dhulka iyo Badda Soomaaliya.

"Waxaan ka wada hadalnay xaaladda hadda ee barnaamijkeenna sahminta shidaalka ee dhulka iyo badda Soomaaliya (onshore iyo offshore), iyo sidoo kale qorsheynta hawl-fulinta muddada dhow.Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya iskaashi adag oo xaga tamarta ah" ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Daahir Shire Maxamed. 

Wasiir Daahir shire ayaa cadeeyay in dhawaan si rasmi ah albaabada ugu furmi doonaan howlaha shidaal qodista, islamarkaana shacabka dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay u bilaaban doonto waayo cusub.