Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo War murtiyeed laga soo saaray

Cabirka Farta

Isniin, December 29, 2025 (HOL) - Waxaa war murtiyeed ka kooban 12 qodob laga soo saaray shirar aan loo kala kicin oo labadii maalin ee lasoo dhaafay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uga socday Golaha Wadatashiga Qaranka. 

Shirarkan oo uu shir guddoominayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ay qeyb ka ahayeen madaxda dowlad goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulamada madaxdan oo daarnaa ka dhiidhinta xadgudubka Israa’iil kula kacday Qaranimada Soomaaliya ayaa madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka waxay isku raaceen qaadista talaabooyin lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sidoo kale si wadajir ah u cambaareeyay aqoonsiga Somaliland, iyagoo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Goluhu ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed iney u midoobaan wax walba oo wax u dhimi kara midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.

War murtiyeedka golaha ayaa lagu bogaadiyay doorashadii goleyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir ee dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho iyo guulaha maalmahii u dambeeyay ciidamada qalabka sida ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab. 

Ugu dambeyntii shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka maqnaa madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo aan wali shaacin mowqifkooda ku aadan go'aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, waxaana xusid mudan in labadan maamul iney horay u sheegteen iney yihiin dowladdo ka madax banaan dowladda Federaalka.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhameystiran:-