Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Al-shabaab ay qaadan karaan Kaarka NIRA


Arbaco, November 26, 2025 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in hay’adaha amniga dalka ay u xaqiijiyeen in kooxda Al-Shabaab ay ku amartay xubnaheeda inay isdiiwaangeliyaan, islamarkaana ay qaataan kaararka aqoonsiga qaranka ee NIRA.

Madaxweynuhu isagoo ka hadlayay Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka, ayuu sheegay inuu arrintan soo dhoweynayo, maadaama diiwaangelinta biometriga ay u fududeynayso dowladda in si buuxda loo garanayo cid kasta oo ku lug leh Argagixisada.

newsinside“Ha qaataan, farahooda iyo wejiyadooda waa la garan doonaa,” ayuu yiri isagoo qosol fudud ka muuqdo. 

Wuxuu ku daray in kooxdaasi ay yihiin “muwaadiniin Soomaaliyeed oo dambiileyaal noqday.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xarriiqay in barnaamijka aqoonsiga qaran uu gacan ka geysanayo sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada, lacag dhaqidda sharci darrada ah iyo dembiyada kale ee abaabulan. Wuxuu intaa ku daray in nidaamkan uu xannibi doono in dembiilayaal ay dibedaha u safraan islamarkaana khatar ku noqdaan dalalka kale.

Madaxweynuhu wuxuu digniin adag u diray cid kasta oo adeeg u fududeysa qof aan heysan aqoonsiga qaranka, isagoo sheegay in loo arki doono kuwa ka qeyb qaadanaya falal argagixiso ama dembi. 

Wuxuu ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay isdiiwaangeliyaan oo ay ka faa’iideystaan fursaddan qaran ee muhiimka ah.