Arbaco, November 26, 2025 (HOL) - Koomiishanka Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (ESMECO) ayaa kulan muhiim ah la yeelatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar magaalada Jigjiga, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo tallaabooyinka mudan in Dowlada Deegaanku qaado.
Intii lagu guda jiray kulanka, ESMECO waxay soo bandhigtay natiijooyinka baadhitaanno kala duwan oo ay hore uga sameysay degaanka, kuwaas oo muujiyay baahida loo qabo in la xoojiyo maamul wanaagga xuquuqda aadanaha, gaar ahaan xabsiyada iyo saldhigyada booliska.
Hay’addu waxay ku boorrisay maamulka in la soo afjaro dadka muddo dheer ku xidhan xabsiyada iyada oo aan maxkamad la horgeyn, ayna hirgeliyaan nidaam cadaalad oo degdeg ah.
newsinsideMadaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa dhankiisa sheegay in dowlad deegaanku bilaabay tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu sixayo arrimaha ESMECO ay soo jeedisay, gaar ahaan in la sii daayo dadka mudada dheer xidhan iyaga oo aan la maxkamadeyn iyo in la dardargeliyo habka garsoorka.
ESMECO ayaa xaqiijisay in degaanku qaaday talaabooyin dhiirigelin leh oo lagu hagaajinayo xaaladda xuquuqda aadanaha. Sida ay caddeeyeen, waxaa la sii daayay 121 qof oo sharci darro ugu xidhnaa saldhigyo kala duwan oo gobolka ka tirsan. Sidoo kale, waxaa la sheegay in deegaanka cafis ku sii daayay laba wariye oo horey ugu xidhnaa xukun maxkamadeed.
Guddoomiyaha ESMECO, Birhanu Adelo, ayaa ammaanay tallaabooyinka degdegga ah ee ay qaadday dowlad degaanku, isagoo ku tilmaamay tusaale mudan in ay ku daydaan maamul goboleedyada kale ee Itoobiya.
Wuxuu intaas ku daray in ESMECO ay sii wadi doonto kormeerka iyo talo-bixinta la xidhiidha horumarinta xuquuqda aadanaha ee heer deegaan, si loo xaqiijiyo horumar joogto ah oo ka dhaca guud ahaan Itoobiya.
Deegaanka Soomaalida ayaa sannado badan hoy u ahaa tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan muddadii uu xilka hayay madaxweynihii hore ee deegaanka, Cabdi Maxamuud Cumar, oo isaga oo adeegsanaya ciidamada gaarka ah ee Liyuu Booliska ku kacay falal argagax leh oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Intii uu Cabdi Maxamuud Cumar xilka hayay, ha ugu darnatee, dadka deegaanku waxay muddo aad u dheer ahaayeen dhibbanayaal u nugul dilal, xadhig sharci-darro ah, jidh-dil, iyo boob hantiyeed.
Xadgudubyadan oo ay geysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa deegaanka ayaa Deegaanka Soomaalida ka dhigay goob ay sannado badan adkayd xorriyadda iyo nolosha dadku.
Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa markii uu xilka yimid sannadkii 2018 ballanqaaday in uu isbeddel ku samayn doono xorriyadda guud ee dalkiisa, iyadoo Madaxweyne Mustafe Cagjar-na uu dhawaaq lamid ah ka soo yeedhay.
In kasta oo xorriyaddu ay kor u kacday, cabsida iyo tacaddiyaduna hoos u dhaceen mudooyinkii dambe, hadana weli xorriyadaha qaarkood ee aasaasiga ayaa lagu dhaliilaa in aan si buuxda looga hirgelin deegaanka.