Khamiis, November 6, 2025 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay wafdi ka socda dowladda Ciraaq.
Kulanka dhexmaray raysal wasaaraha iyo wafdiga ka socda Ciraaq oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha amniga ee dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa looga hadlay iskaashiga dhinaca amniga gaar ahaan la dagaalanka Al-shabaab.
newsinsideWaxaa sidoo kale dhinacyadu kulankooda ku wadaageen is dhaafsiga khibradaha la xariira la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagixisada iyi horumarinta maalgashiga, gaar ahaan sida kaluumeysiga, Tamarta, Beeraha iyo Xoolaha.
Raysal Wasaaraha iyo wafdiga Ciraaq ayaa isla gartay in labada dowladood ay xoojiyaan wadashaqeyntooda, si loo helo fursado ganacsi iyo horumarineed oo dheeraad ah, islamarkaana loo balaariyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.
Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sanadahii ugu dambeeyay sare u qaadeysy xiriirka diblomaasiyadeed oo ay la leedahay dalalka caalamka, islamarkaana dib uga soo muuqaneysay fagaarayaasha caalamka.