Khamiis, November 6, 2025 (HOL) - Mas’uuliyiin reer Britain ah ayaa maanta oo Khamiis ah xaqiijiyay in koox burcad badeed ah ay weerar ku qaadeen markab ganacsi oo marayay meel u dhow biyaha Soomaaliya, taasoo loo maleynayo inay tahay weerarkii ugu dambeeyay ee ay fuliyaan burcad-badeedda Soomaaliyeed ee mar kale kusoo laabanaya xeebaha gobolka.
Machadka Howlaha Ganacsiga Badaha ee ciidamada Britain (UKMTO) ayaa soo saaray digniin rasmi ah, isagoo uga digay maraakiibta ganacsiga inay feejignaadaan xilli weerarkan uu muujinayo soo kabashada dhaqdhaqaaqii burcad-badeedda ee Badda Hindiya.
newsinsideDhanka kale, shirkadda ammaanka gaarka ah ee Ambrey ayaa sheegtay in weerarka uu bartilmaameedsaday markab shidaal sida oo wata calanka Malta, kaas oo ka yimid dekedda Sikka ee Hindiya kuna sii jeeday magaalada Durban, ee Koonfur Afrika.
Warbixinta shirkadda ayaa intaas ku dartay in weerarka uu u muuqdo mid ay fuliyeen burcad-badeed Soomaali ah, kuwaas oo warbixino dhowaan la helay ay sheegayaan in ay qabsadeen doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iran.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Iran weli ma aysan xaqiijin wararka sheegaya in doontooda kalluumeysiga ay gacanta u gashay burcad-badeedda.
Khabiirro amniga badda ah ayaa sheegay in weerarkan uu yahay calaamad muujinaysa in burcad-badeedda Soomaaliyeed ay dib ugu soo laabanayaan kadib markii ay kordhiyeen hawlgallo ay ku bartilmaameedsanayaan maraakiibta caalamiga ah ee maraysa marin-biyoodka muhiimka ah ee u dhow Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.