Booliiska Somaliland oo war kasoo saaray shaqaale hay’adeed oo ay xabsiga dhigeen

 

Arbaco, October 22, 2025 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa Isniintii xabsiga dhigay shaqaale tiro badan oo ka hawlgalayay hay’adda Consilient Limited Company, kadib markii booliiska loo gudbiyay xog sheegaysa in hay’addu ay ku hawlanayd qabashada dood la xidhiidha dastuurka Soomaaliya iyo doorashooyinka.

Haddaba, booliiska oo saaka war kasoo saaray ayaa sheegay in, kadib baadhis ay sameeyeen, ay waayeen wax caddayn ah oo muujinaysa in hay’addu ay faraha kula jirtay qabanqaabada dood la xidhiidha dastuurka Soomaaliya, isla markaana xogta booliiska la siiyay ay ahayd mid been-abuur ah.

newsinside“Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawlgal ay sameeyeen maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 20/10/2025, ku soo qabtay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Consilient Limited Company, kadib markii ciidanka lagu wargeliyay in hay’addu waddo arrimo ku lid ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay booliiska.

Warbixinta booliisku waxay sheegtay in Hogaanka Baadhista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Somaliland, oo sameeyay baadhitaan qoto dheer, uu xaqiijiyay in warkaas uu ahaa been-abuur, isla markaana aanay jirin wax barnaamij ah oo noocaas ah oo ay hay’addu qabanaysay.

Booliisku waxay sheegeen inay bulshada u caddeynayaan in wararkaasi yihiin been-abuur, isla markaana ay ku raad-joogaan cidda masuulka ka ahayd faafintooda, iyaga oo sheegay in looga dan lahaa in lagu “marin habaabiyo” bulshada Somaliland.

“Ciidamada Booliska JSL waxay wadaan baadhitaan ballaadhan oo lagu ogaanayo cidda ka dambaysay faafinta wararkan been-abuurka ah, si sharciga loo horgeeyo,” ayuu sii raaciyay qoraalka booliisku.

Warkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad ugu faafay baraha bulshada, iyada oo shakhsiyaad isticmaala barahaas ay si weyn u baahinayeen, iyaga oo soo bandhigayay waraaqo ay ku taageerayaan runnimada warkooda isla markaana ilaa hadda, waxaa jira dad badan oo aan ku qancin warbixinta booliiska, kuwaas oo ku andacoonaya in warkaasi run ahaa oo uu jiray.