Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo digniin adag u diray Xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada aan cudur daar lahayn


Arbaco, October 22, 2025 (HOL) - Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray digniin adag oo ku socota xildhibaanada si joogto ah uga maqnaada fadhiyada Baarlamaanka iyagoo aan lahayn cudur daar sax ah ama fasax caafimaad, kaddib markii laba fadhi oo todobaadkan qorshaysnaa ay baaqdeen sababo la xiriira quorum la’aan.

Habdhoowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Nuux, ayaa fadhigii maanta ka akhriyey magacyada xildhibaanadii ka maqnaa kulamadii hore, isagoo sheegay in tallaabadan lagu xaqiijinayo isla xisaabtan iyo masuuliyad.

newsinsideBaarlamaanka Federaalka ayaa caadiyan isugu yimaada saddex jeer usbuucii, Sabti, Isniin, iyo Arbaco, hase yeeshee labadii fadhi ee ugu dambeeyay ayaa la joojiyey sababo la xiriira tirada xildhibaanada oo aan buuxin shuruudda quorum-ka, kaliya hal fadhi ayaa si guul leh u qabsoomay toddobaadkan.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa marar badan ku booriyay xildhibaanada in ay si joogto ah uga soo qaybgalaan fadhiyada, si loo horumariyo howlaha sharci dejinta iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Waxaa sidoo kale lagu wargeliyay in magacyada xildhibaanada aan soo xaadirin lagu magacaabi doono fadhiyada soo socda si loo muujiyo cidda ka gaabisay shaqada Baarlamaanka.

Digniintan ayaa muujineysa sida ay muhiimka u tahay ka-qaybgalka joogtada ah ee xildhibaanada, maadaama maqnaanshaha badan uu dhaawacayo waxqabadka iyo shaqo gudashada hay’adda sharci dejinta ee dalka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay si dhab ah u daba-galaan xildhibaan kasta oo aan waajibaadkiisa gudan, si loo hubiyo in Golaha Shacabka uu si buuxda u shaqeeyo.