Golaha Wasiiradda Jubbaland oo ka shiray doorashooyinka golayaasha deegaanka degmooyinka Jubbaland

 

Khamiis, October 23, 2025 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada maamulkaas, kaasoo diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka golayaasha deegaanka Jubbaland.

Waxyaabaha kale ee kulanka Golaha Wasiiradda Jubbaland looga hadlay waxaa ka mid ahaa horumarinta adeegyada bulshada, siyaasadda dalxiiska, iyo qorshayaasha horumarineed ee dhalinyarada iyo ciyaaraha.

newsinsideKulanka ayaa si gaar ah loogu lafa guray warbixin la xariirtay diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubbaland iyo waxyaabaha mudnaanta leh ee qabsoomay, taasoo ay soo jeedisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa dhankeeda Golaha u soo bandhigtay Siyaasadda Dalxiiska Jubbaland oo ah hage dowladeed lagu dejiyay jihada iyo qorshaha horumarineed ee dalxiiska. 

"Siyaasaddan ayaa lagu mideynayaa qorshayaasha iyo aragtida horumarineed ee heer dowladeed, iyadoo gacan ka geysan doonta kor u qaadista dhaqaalaha iyo soo jiidashada dalxiisayaasha gudaha iyo dibadda." ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka Golaha Wasiiradda Jubbaland. 

Dhanka kale Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa golaha u soo bandhigtay barnaamijka Siyaasadda Ciyaaraha Jubbaland, kaasoo la tilmaamay in hagaajinayo qorshaha horumarinta ciyaaraha iyo kor u qaadista doorka dhalinyarada ku nool deegaanada maamulkaas. 

Waxaa sidoo kale Wasaarada dhallinyarada ay warbixin ka siisay Golaha Wasiirrada Jubbaland, halka uu marayo mashruuca dhismaha garoonka ciyaaraha ee deegaanka Raas-Kambooni.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiiradda shir guddoominayey, taasoo aanan horay looga baran madaxweynaha maamulkaas oo uu khilaaf adag kala dhaxeeyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya.