Khamiis, October 23, 2025 (HOL) - Midowga Yurub (EU) iyo Dowladda Masar ayaa si wadajir ah ugu baaqay in la xoojiyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, iyaga oo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah iyo ka qeybgalka deeq-bixiyayaasha cusub ee Soomaaliya.
Labada dal ayaa ku celiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee horumarinta dhismaha dowladda, amniga iyo dib-u-habeynta ciidamada. Masar iyo EU waxay sidoo kale muujiyeen walaac ku saabsan khatarta kooxda Al-Shabaab iyo saameynta ay ku leedahay xasilloonida gobolka.
newsinsideMidowga Yurub ayaa Dowladda Masar ku bogaadiyay qorshaheeda ku aaddan ka qeybgalka howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay labada dhinac, waxaa la adkeeyey in iskaashiga istaraatiijiga ah uu muhiim u yahay horumarinta adeegyada bulshada, dib-u-dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee gobolka, si loo taageero dowladda Soomaaliya iyo dadaallada ay waddo.
Shirka ayaa lagu soo gebogabeeyey in iskaashiga EU–Masar uu sii xoojin doono taageerada nabadda Soomaaliya, iyadoo la qorsheynayo in la sameeyo xiriir dheeraad ah oo la taaban karo, isla markaana la dhiirrigeliyo ka qeybgalka Masar iyo deeq-bixiyayaasha caalamiga ah si loo xaqiijiyo xasillooni waarta ee Soomaaliya.