Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti si loo xoojiyo iskaashiga diineed ee labada dal

 

Sabti, October 25, 2025 (HOL) - Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, intii uu ku sugnaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Roobow ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Geelle iyo shacabka Jabuuti kaalintii taariikhiga ahayd ee ay ka qaateen martigelintii shirkii nabadeed ee Carta ee sanadkii 2000, kaas oo door weyn ka qaatay dib u heshiisiintii iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

newsinsideLabada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhanka Awqaafta iyo Zakada, Wasiir Roobow ayaa ammaanay nidaamka guuleystay ee Jabuuti ay u maamusho Awqaafta iyo Zakada, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay ka faa’iideysato waayo-aragnimadaas si loo horumariyo daahfurnaanta, hufnaanta, iyo ka qaybgalka bulshada ee nidaamka Awqaafta iyo Zakada ee dalka.

Madaxweyne Geelle ayaa soo dhaweeyey wafdiga Soomaaliyeed, isaga oo mar kale xaqiijiyey taageerada ay Jabuuti u hayso dadaallada Soomaaliya ee nabadda, horumarka iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah. 

Labada dhinac ayaa hoosta ka xarriiqay xiriirka walaaltinimo, diineed iyo dhaqan ee ka dhexeeya labada dal, iyaga oo ballan qaaday inay sii xoojin doonaan iskaashiga ku aaddan faafinta fahamka dhexdhexaadka ah ee Islaamka iyo horumarinta adeegyada bulshada ee gobolka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la dhiso hannaan wadajir ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta wasaaradaha arrimaha diinta ee labada dal.