Madaxweyne Cirro: Anagu Soomaaliya dagaal kulama jirno, Soomaali nacayb iyo cuqdadna ma qabno

 

Sabti, October 25, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in inkastoo ay Somaliland ka noqotay midowgii Soomaaliya 34 sano ka hor, haddana ay weli jiraan arrimo badan oo labada dhinac iskaga xidhan.

Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in waxyaabaha wali ay wadaagaan labada dhinac ay ka mid yihiin hawada iyo furayaasha taleefoonada, kuwaas oo loo baahan yahay in kala guristooda la dhamaystiro si si buuxda loogu kala baxo.

newsinside“Waxaynu ka war qabnaa in Soomaaliya aynu kala baxnay 18 May 1991, balse haddana weli waxbaa inaga dhexeeya oo u baahan in la kala saaro. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah baasaaboorradii hore, saamiga xajka, furayaasha taleefoonada iyo maamulka hawada,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Wuxuu intaas ku daray in Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland uu qaaday tallaabooyin dhowr ah, isla markaana uu rajeynayo in uu ku guuleysan doono in Somaliland ay si buuxda gacanta ugu dhigto maamulka hawadeeda.

“Inagu Soomaaliya dagaal kulama jirno, Soomaali nacayb iyo cuqdadna ma qabno. Aayaheena ayaynu ka tashanay inaga oo xor ah, sida aynu xor ugu biirnay 1960-kii ayaynu xor ugu go’nay 18 May 1991. Hadda waa in kala gurashadaasi noqotaa mid ceeb la’aan ah,” ayuu yidhi.

Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay inay ku mashquusho arrimaheeda gudaha, sida maamul-goboleedyada oo uu sheegay inay “kala irdhoobeen,” isla markaana dowladdu ay ku guul darreysatay inay mideyso.

“Arrintoodu waxay la mid tahay islaantii xaabada qaadi kari weyday ee tidhi ‘mid kale iigu soo dara’,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga cadhootay nidaamka dal-ku-galka danabaysan ee dowlada Soomaaliya soo rogtay, kaas oo dadka reer Somaliland ku khasbaya inay dal-ku-galka (visa) Soomaaliya soo qaataan marka ay u socdaan Somaliland.