Axad, October 26, 2025 (HOL) - Ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka Dowlad Goboleedyada oo muddo dheer dib u dhacay, iyagoo uga digay in dib-u-dhac sii socda uu dhaawacayo dimuqraadiyadda iyo hannaanka maamul wanaagga ee dalka.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayay ururradu ku sheegeen in doorashooyinka waqtigooda ku dhaca ee heer dowlad-goboleed ay muhiim u yihiin horumarka siyaasadeed iyo xasilloonida Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay xaqiijiyaan in hannaanka dimuqraadiyadda aan dib dambe loo sii hakinin.
newsinside“Bulshada rayidka ah waxay aaminsan tahay in dib u dhaca doorashooyinka Dowlad Goboleedyada uu lid ku yahay mabda’a dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga, Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha dowladda iyo dhinacyada kale ee khuseeya in doorashooyinkan si degdeg ah loo qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ururrada bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale soo dhaweeyay doorashooyinka dowladaha hoose ee gobolka Banaadir ee lagu wado in la qabto dhammaadka bisha Nofeembar, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ka-qaybgalka shacabka ee maamulka iyo go’aan qaadashada.
“Bulshada rayidka ah waxay soo dhoweynaysaa doorashooyinka la qorsheeyay ee degmooyinka gobolka Banaadir, maadaama ay muhiim u yihiin in shacabka fursad loo siiyo inay doortaan wakiillo si hufan u matala oo adeegyada muhiimka ah u horumariya,” ayaa lagu daray bayaanka.
Ururradu waxay ballanqaadeen inay door muhiim ah ka qaadan doonaan wacyigelinta codbixiyeyaasha, korjoogteynta doorashada iyo barnaamijyada daahfurnaanta, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan iyo kalsooni shacabka dhexdiisa ah.
Baaqan ayaa imanaya iyadoo ay isa soo tarayaan cabashooyinka shacabka ee ku aaddan hakadka siyaasadeed ee ka jira Dowlad Goboleedyada qaar, halkaas oo madaxdu ay muddo dheer dhaafeen xilligii dastuuriga ahaa ee ay xilka hayn lahaayeen.