Ciidanka Booliiska oo maanta Muqdisho ku qabtay Maandooriye iyo ninkii ka ganacsanayay

 

Axad, October 26, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhiga fegmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane si qarsoodi ah uga ganacsanayay maandooriyaha nooca loo yaqaano xashiishka.

Eedeysanahaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa la soo qabtay isagoo ka ganacsanaya maandooriyahan Xashiishka ah oo gaarayay ilaa 11 kiilo. 

newsinsideWar kooban oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ay kusoo qabteen ninkaan xog ay heleen, islamarkaana eedeysanaha ay ku socoto baaris lana hor keeni doono maxkamada.

“Ciidanka Booliska wuxuu uga digayaa bulshada ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha, cid kasta oo lagu helo waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaate ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay kordhiyay howlgallo ka dhan ah la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya iyo waliba kooxaha burcada ah ee dhaca u geysta dad ku nool degmooyinka magaalada Muqdisho.