Khamiis, October 30, 2025 (HOL) - Doon ganacsi oo lagu magacaabo “Fazle Rabbi” (M.S.V. 2192) oo laga leeyahay dalka Indiya ayaa ku gubtay xeebaha Soomaaliya markii dab si lama filaan ah uga kacay qolkii matoorka, taasoo gebi ahaanba baabi'isay markabka.
Doontaan ayaa ka ambabaxay dekedda Kismayo isagoo kusii jeeday Dubai, waxaana dabku ka kacay markii uu marayay meel qiyaastii 8 mayl badeed ka baxsan dekedda.
newsinsideKaptanka iyo shaqaaluhu waxay isku dayeen inay dabka xakameeyaan, balse xaaladdu waxay ka baxday gacantooda. Ugu dambeyntii, 16-ka shaqaale ee doonta saarnaa ayaa xirtay jaakadaha badbaadada kadibna badda ayay ku boodeen si ay naftooda u badbaadiyaan.
Markab kale oo isla shirkadda ka tirsan, “Al Fazl” (M.N.V. 2031), ayaa si degdeg ah u gaaray goobta si uu uga caawiyo badbaadinta shaqaalaha. Shaqaalaha markabkaas iyo booliiska xeebaha ayaa dhammaan 16-ka shaqaale badbaadiyay, kuwaas oo dhammaantood caafimaad qaba.
Dabku wuxuu gebi ahaanba gubay doonta “Fazle Rabbi”, waxaana la sheegay in cilad farsamo oo matoorka ah ay sababtay shilka. Milkiilayaasha markabka ayaa la xiriiray mas’uuliyiinta badda ee Dubai iyo Soomaaliya si baaritaan rasmi ah loogu sameeyo dhacdadan.