Khamiis, October 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta ka hadlaayay munaasabad lagu xusaayay 25 sano guuradii kasoo wareegatay dib u dhiskii dowladda Soomaaliya ee sanadkii 2000, oo lagu qabtay magaalada Carta ee dalkaasi Jabuuti ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed haatan yihii kuwa dhisan kara dalkooda.
Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale xusay in Shisheeyaha u jeedooyinkooda yihiin in mar waliba la hoos joogo, taasina ay tahay mid looga gudbi karo in dadka Soomaaliyeed isku hiiliyaan.
newsinside"Soomaaliyeey waxan idin leeyahay adinka oo kaliya ayaa dalkiina dhisan kara, Shisheeyaha intuu kuu sameynayo in ka badan ayuu ku dhibayaa oo in aad ku tiirsanaantan buu rabaa ee dalkiina dhista isku kalsoonaada" ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale ka codsaday madaxda dowladda, kuwa Mucaaradka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney isku hiiliyaan oo ay wax wada qabsadaan.
"Haddii shalay aan lahaa aniga iihiiliya maanta waxaan leeyahay idinka isku hiiliya.” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Geelle ayaa markale carabka ku adkeeyay in dowladdiisa iyo shacabka reer Jabuuti ay mar walba diyaar u yihiin iney garab istaagnaadaan walaalahooda Soomaaliyeed.
Dowladda Jabuuti ayaa door weyn oo muuqda ku laheyd dib u dhiskii dowladnimada Soomaaliya sanadkii 2000, xiligaas oo magaalada Carta ee dalkaasi lagu soo dhisay dowlad ku meel gaar aheyd oo uu madaxweyne ka noqday Cabdiqaasim Salaad Xasan, kadib burburkii dowladii dhexe ee dalka ee sanadkii 1991-kii.