Soomaaliya oo si rasmi ah u qabatay Hoggaanka Wareegga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Cabirka Farta

Khamiis, January 1, 2026 (HOL) - Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka wareegga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bisha Janaayo, kaddib markii ay xilka kala wareegtay Jamhuuriyadda Slovenia.

Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu qabto shir jaraa’id maalinta Jimcaha, kaas oo uu warbaahinta la wadaagi doono barnaamijka shaqo ee Golaha Ammaanka inta lagu jiro muddada hoggaanka Soomaaliya, kaddib marka Golaha Ammaanku ansixiyo ajandaha kulankiisa subaxnimo ee isla maalintaas.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ka kooban yahay 15 dal oo min hal cod leh, Shanta dal ee joogtada ah ee leh awoodda diidmada qayaxan (veto) waa: Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, iyo Maraykanka. 

Tobanka dal ee kale waa xubno aan joogto ahayn oo loo doorto muddo laba sano ah, kuwaas oo hadda kala ah: Soomaaliya, Denmark, Giriigga, Pakistan, Panama, Baxrayn, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Liberia, Latvia, iyo Kolombiya.

Golaha Ammaanku waa mid ka mid ah lixda hay’adood ee ugu waaweyn Qaramada Midoobay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Golaha Guud, Xoghaynta Guud, Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, iyo Golaha Wakiillada (Trusteeship Council) oo hadda aan firfircoonayn.

Hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka inta lagu jiro bisha Janaayo ayaa loo arkaa tallaabo muujinaysa doorka sii kordhaya ee dalka ee masraxa diblomaasiyadda caalamiga ah, iyadoo la filayo in ay diiradda saarto arrimaha nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka iyo dunidaba.