Somaliland oo beenisay in dhulkeeda la keenayo qoxootiga Falastiin ama saldhig ciidan laga dhisayo

Cabirka Farta

Khamiis, January 1, 2026 (HOL) - Somaliland ayaa si adag u beenisay eedeymo ka soo yeedhay madaxda Soomaaliya oo sheegaya in Somaliland dib-u-dejin loogu samaynayo qaxooti Falastiiniyiin ah ama saldhig ciidan Laga dhisayo gudaha Somaliland. 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana looga gol leeyahay in lagu marin-habaabiyo beesha caalamka laguna wiiqo horumarka diblomaasiyadeed ee Somaliland.

"Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u beeninaysa eedeymaha been abuurka ah ee uu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo la xidhiidha in Falastiiniyiin dib u dajin loogu samaynayo Somaliland ama saldhigyo ciidan laga dhisayo gudaha Somaliland."

Wasaaraddu waxay sheegtay in xidhiidhka Somaliland la leedahay Dowladda Israa’iil uu yahay mid diblomaasiyadeed oo keliya, kuna saleysan ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo danaha madax-bannaan ee labada dhinac. Somaliland ayaa sidoo kale ku celisay inay ka go’an tahay xasiloonida gobolka iyo iskaashi caalami ah oo ku dhisan nabad iyo is-ixtiraam.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee Somaliland lagu eedeeyo arrimo la xidhiidha qaxootiga Falastiin. Marar hore ayaa sidoo kale la faafiyay warar la mid ah, iyada oo warbaahinta qaar sheegtay in Somaliland lagu dejinayo qoxooti Falastiiniyiin ah, balse dhammaan eedeymahaasi waxaa mar walba beenisa Somaliland, iyada oo ku tilmaantay dacaayad siyaasadeed oo aan wax xaqiiqo ah ku dhisnayn.

Israa'iil oo ahayd dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada Somaliland 1960 ayaa markale ku dhiiratay in ay noqoto dalka ugu horeeya ee aqoonsada, iyada oo hadda wada dadaalo ay doonayso in dowlada Maraykanku ay sidoo kale ku aqoonsato, inkasta oo uu Trump sheegay in aanu ku degdegi doonin.

Dowlada Soomaaliya iyo badiba waddamada ilaa hadda ka hadlay qadiyadan ee beesha caalamka ayaa kasoo horjeedsaday aqoonsiga Somaliland ee Israa'iil. Dhanka kale Israa'iil ayaa aqoonsiga Somaliland ku tilmaantay mid sharci ah.