advertisements

ABDISALAM CADDAAY OO GUUL U KEENAY XULKIISA QARANKA NORWAY

Qore: Abulkadir Ibrahim
Saturday, October 13, 2007

 

Cabdisalaam Cabdulqaadir Caddaay

Cayaaryahan C/salaam C/qaadir Caddaay

Cabdisalaam Cabdulqaadir Caddaay oo u ciyaara Kooxda Manchester City Akademy, isla markaana ka mid ah xulka da'dooda ay ka hooseeyso (under 17)ka ee dalka Norway ayaa u soo hooyey guul  xulkiisa qaran ee dalka Norway. Cabdisalaam bishan 2deeda ayuu wuxuu safar socdaal ah u aaday dalka Poland  isaga iyo kooxdiisa qaranka, halkaasi oo ay ka dhacayeen isreebreebka ciyaaraha Yurub ee Under 17ka.

 

Cabdisalaam wuxuu saftay seddex ciyarood, oo uu dhamaystay min 90kii daqiiqaba. Cabdisalaam waxay wada ciyaareen dalalka kala ah Poland, Austeria, iyo Macadonia. Ciyaarihii markii ay dhamaadeen ayaa waxaa isku dhico wada noqday seddexda dal ee kala ah Norway, Poland iyo Austeria. Kaalinta kowaad waxaa galay Dalka Austeria, kaalinta labaad ayaa waxaa isku qabsaday labada dal ee kala ah Norway iyo dalka Poland oo marti loo ahaa. Akhristow ciyaartii ugu dambaysay ee ay ciyaaraan dalka Norway ayaa waxay wada yeesheen dalka Macadonia.

 

 Norway waxaa laga doonayey in ay goolal badan ku soo badiyaan, ciyaarta qaybteedii hore waxay ku soo gabagabowday 0-0. Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa labaatankii daqiiqo ee ugu horeeyey waxay dhaliyeen dalka Norway 3 gool iyo dalka Macadonia oo aan waxba dhalin. haddii ay ku dhamaato ciyaarta sida ay hadda tahay waxaa kaalinta labaad ku soo bixi lahaa dalka Poland. Akhristow Ciyaarta marka ay ka harsan tahay qaddar daqiiqada ah ayaa kubad ka soo noqotay goolka kooxda Poland ayaa Ciyaaryahanka Mustaqbalka kubadda cagta ka helay kubaddii meel goolka u jirta 20 mitir halkaasina uu laad xooggan ku laaday, ka dibna shabaqii ku ruxay.

 

Daqiiqado yar ka dib ayuu garsoorihii dhexdhexaadinayey halkaasi ku afuufay seerigii ama firimbigii. Isla markiiba kooxdii iyo macallamiintii waxay ku soo wada yaaceen Xiddigga Cabdisalaam Caddaay iyagoo ugu hambalyeynaya goolkii guusha. Websideka www.garoonka.com ayaa wuxuu waraysi gaaban la yeeshay ciyaartaasi ka dib sida uu u arko guusha ay gaareen xulkiisa qaranka ee dalka Norway.

 

Cabdisalaam Cabdulqadir Caddaay wuxuu ku jawaabay xulkayga qaranka waxaan kala qayb galay ilaa iyo 12 ciyaarood oo heer caalami ah, ciyaartanna waxay ahayd ciyaartii iigu farxadda badnayd, sabatoo ah marka hore goolka aan dhaliyey maanta wuxuu ii ahaa goolkii iigu horeeyey ee aan u dhaliyo xulkayga, taasi waxaa ii sii dheer in maanta xulkayga qaranka ee dalka Norway ay u soo gudbeen isreebreebka ciyaraha Yurub ee sanadka 2008da, sababna ay u noqoto goolkii aan dhaliyey maanta.Shaqaalaha webside-ka garoonka.com waxay hambalyo u dirayaan xiddigga cusub ee ciyaarta kubadda cagta Abdislaam Abdulqaadir Caddaay, waxaan mar labaad leenahay Hambalyo, halkaasi ka si wad guushaada.Akhristayaal wixii kale oo faahfaahin ah ee ku saabsan Cabdisalaam Caddaay waxaad ka akhrisan doontaan webside-ka www.garoonka.com. [email protected]  This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it www.garoonka.com