2/27/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
Shakhsiyada sanadka 2013 ee Hiiraan Online


Tafatirayaasha Hiiraan Online
Saturday, January 18, 2014

Sida aan ognahay Xamar,  Caasumada Soomaaliyeed  ee dagaalku ragaadiyay, ma aha meel la jecelyahay in Carruruur lagu korsado, waxaa taas ka sii daran markii caruur aan waalid lahayn oo agoon ahi ay noloshu Xamar ku qabsato. Waayahaan dadka Soomaalidu, wuxuu can ku ahaa, bakhaylnimo, arxan-goosnimo, naxariis la’aan iyo isu-nixid la’aan; wuxuuna in ka badan 22 sano dalku la ciirciiryay qalaalaase aan kala go’ lahayn oo saameyay qof kasta.

 Waa arrin caadi ah in aad Xamar ku aragtid is-koris afar ama shan jir ah oo iskiis nolasha ula halgamaya, ama hooyo kaligeed la lagdamaqysa maalinka iyo habaynka, si aan caruurteedu afka gacant ula waayin.  Hayeeshee taasu ma ah in Soomaali oo dhan ay ka arradmeen/ka dhammaatay, isu-damqasho iyo naxariisi. Xaqqiqadu waxay tahay in masiibada ku habsatay Soomaaliya ay ka soo dhex bexeen xubno aan badnayn oo naftoodii u hibeeyay nabadgalinta nolosh dadka dhibaataysan.

Sanadkan Hiiraan Online, waxay far iyo suul ku soo bixisay laba qof oo waanaag dadkii kale uga soo dhex baxay, islamarkaana naxariis u muujiyay carruurta agoonta ah.  Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Cusmaan waa assaasayaasha Xarunta Agoonta iyo Waxbarashada ee Banaadir.

 Ka sokow dhismaha xaruntaas, labada nin waxaa loo qiray inay u nugulyihiin dadka  cayrta ah, kuwa aan wax haysan iyo caruurta baahan, gaar ahaan deegaanka Xamar-wayne ee ay ka unkeen Xarunta Agoonta iyo waxbarashda. Ibraahim, waa xogyahaya guud ee Xarunta, wuxuu hantiyay shahaadada PhD, kuna takhusasay Arrimha Africa. Waa nin shaqo wanaagsan ka heli kara meelo badan, si sahalana ugu noolaan kara nolol degan, isaga iyo carruurtiisuba, waxaase aad u saameeyay markuu arkay tirada badan ee carruurta agoonta ah ee Xamar. Markaas ayaa Ibraahim iyo dad kale oo fikradiisa taageersani waxay go’aansadeen inay howshaas agoonta u tafaxaytaan.



Cusmaan oo asna ah maamulaha Xaruntaasi, wuxuu isna hantiyay, shahaado dhinaca waxbashada iyo barbaarinta la xiriirta, waase nin markast jecel ayna la wayntahay wax u qabashada dalkiisa iyo taageerida dadkiisa.  Ibraahim iyo Cusmaan, waxay soo dhaweeyeen oo ay xushmo huwiyeen in Soomaaliya, gaar-ahaan Xamar agoon lagu noqon karo, loona bareeri karo qiima kasta oo loo mari karo daryeelka carruurta agoonta ah.

 Raggaasi waxay ogaadeen, kana damqadeen dhibaatada aan xadka lahayn (gaajada, macaluusha, jahliga, mooriyaanimada, iyo u nuglaanta ku biirida Al-Shabaab) ee Carruurtaasi dhaxli karaan, haddi aan tillaabo deg-deg ah loo qaadin dhinaca wanaagsan.

 2010 kii, labada nin, ayay amineen inay wax ka qaban karaan dhibaatada agoonta Soomaaliyeed ku haysata Xamar, waxay go’aan ku gaareen, in aqoontu noqoto hubka ay ku dagaalamayaan ama ay ku howlgalidoonaa, iyagoo ogaal u lahaa in Xamar lagu wada hubaysanyahay hubka dadka iyo duunyada gumaada.

 Marka ay go’aankaas garayaan, kama ay diimoonayn, in fikrad kasta oo xagga wanaagga iyo wax uqabashada dadka dhibaataysan, ay dadka Xamar intooda badan ugu muuqatay, riyo iyo dhalanteed, walibana lagu mutaysan karo dhac iyo dilba.  Waqtigaas Xamar waxay ahayd, goob ay ku farafootamayeen, kooxaha nabadiidka ah oo ka talinayay in badan oo magaalada ah iyo Ciidamada Ugandha iyo Brundi oo gargaarayay Dowladii KMG ahayd.

Labadaas nin waxay u diyaar noqdeen inay naftooda iyo maalkoodaba u huraan waxa ay aaminsanyihiin oo ahaa magan-galinta iyo waxbarida carruurta ku tabaalaysan Xamar, si loo badbaadiyo mustaqbalka berito ee bulshada Soomaaliyeed.

  Ibrahim iyo Cusmaan waxay ahayeen niman ilays uga bidhaamay meel aad mugdi u ah. Maanta Xarunta Agoonta iyo Waxbarashada ee Banaadir, waxay hoy u tahay 980 arday, waxaa ka howlgala 15 macalin iyo shan iskaa  wax u qabso uga shaqaysa. Taasi waxay ina tusaysaa sida laba qof oo go’aan lihi ay ay  dhalan rog iyo mustaqbal ifhaya ugu samayn karaa qayb ka mid ah carruurta tabaalaysan.
 “ Markaan carruurta u gargaarayno, naftayada ayaan wax wayn u qabanaynaa. Waxaan wax wayn u qabanaynaa Soomaali oo dhan. Waxaan carruurta ku duwaynaa/tusaynaa wadada wanaagsan ee ay mustaqbal ku dhisan karaan, deetana ay dalkooda wax ugu qaban karaan” sidaas waxaa yiri Cusmaan, iyadoo Ibraahim oo dhiniciisa fadhiyana uu madaxa u ruxaayay.

Shaqada ay qabteen ladaan nin waa tillaabo wayn, marka loo fiirsho waddankkeena  uu dagaalku naafeeyay waxbarashadii iyo mustaqbalkii facaba facuu ka dambeeyay. Eebe mahadi, carrurtaan mustaqbalkoodu waa ifayaa, marka loo eego boqolaalkii ka horeeyay ee ku barbaaray. Dagaal-oogid, xagjirnimo, iyo burcadnimo.  Markii Cusmaan iyo Ibraahim ay howshaan u istaageen, ma jirin dhaqaale ay gacanta ku hayeen ama ay meel kale ka filayeen.

Waxay Xarunta ku bilaabeen boqol doolar oo ay ka soo uruursheen qaar ka mid ah dukaamada Xamar, waxayna ka koobantahay hadda 12 qol oo ardada lagu siiyo waxbarasho deg-deg ah, maadaama uusan jirin dhaqaale la’iskuhubo.

Waxay Xaruntanu hadda xoogga saartaa  maadooyinka la xiriira xisaabaadka, sayniska, bani-aadamnimada ama dad ladhaqanka, iyo jir-dhiska. Waxaa dhwaanta la rajaynayaa in la bilaabo adeegsiga aaladaha Compuertka si ardadanu ula saan-qaadaan nolosha casriga ah.

Asaasayaasha mashruucani waxay ugu yeerayaan Soomalida gudaha iyo dibadaba inay ka qaybqaataan howlaha xaruntaan , waxayna xusuusinayaan inay howshaan ka bilaabeen saddex qol oo ijaarkooda laga uruurin jiray qaar ka mid ganacsatada Xamar.

 Dadkii ugu horeeyay ee howshaan u soo gurmada waxaa ka mid ahaa Marwo Faduma Awowe Maxamed, oo ka tirsan Xarunta caalamiga ah ee horumarinta ilbaxnida dadka ee Toronto.  Faaduma markay heshayba baaqa Ibraahim iyo Cusmaan, waxay bixisay kharajyada howl socodsiinta, musharka macalimiinta, iyo taageerida badi howlaha Xarunta. Waqtiga hadda ah Xaruntani, waxay ku tiirsantahay, ayna sugaysaa naxariista dadka Soomaliyeed.

Waxaase arrin laga xumaado ah in isku day codsiyo badan oo taageero doon ahi uu Xarunta suuragal u noqon waayay, gaar ahaan kuwo loo jeediyay maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Horumarinta Adeega Dadka, kuwaasoo la xiriiray codsi shaybaaro Computerada.
 Mar Fadumo Awowe la wadiiyay sida ay hadda u aragto Xarunta, waxay ku jawaabtay, “ waan ku faraxsanay inaan qayb ka noqdo, horumarka ay gaareen carrurtanu, waxaanan u jeedaa wax qabadka muuqada ee aan qaybta ka ahaa.”

Waxaa muuqatay mudnaanta ay leedahay akhrinta maqaalkaan oo kale iyo haybada ay yeelan karto ka qayqaadshada howshaan oo kale, gaar ahaam marka waddan sideenoo kale ahi uu ka soo kabanyo burburkii dagaalka sokeeye.

Haddaba iyadoo ay ka jiraan Xamar,  xarumo kale oo Agoonta lagu dhaqaaleeyo, ayaa waxaa  Shabakada Hiiraan soo jiitay is xilqaanka Cusmaan iyo Ibraahim. Taasina Hiiraan kali kuma ahee, waxaa dhawaanta maalqabeen reer Xamar ahi Xaruntaan ugu deeqay dhul ka kooban laba kiiloomitir oo wareeg ah.

Mar haddi dhulkaan la helayna, rajadu waxay tahay inay soo kordhaan dadka taageerya howshaan si ay u meel marto riyada aasaasayaasha xaruntu, loona badiyo carruurta ka faaiidaysan karta, isla markaasna loo helo aqoonyahano xirfado gaar ah u leh howlaha kala duwan ee ay xaruntu u baahantahay.

Ciddii doonaysa inay carruurtaas kafaalo-qaaddo noloshooda iyo waxbarashadooda waxay kala xiriiri karaan maamulka xarunta waxbarashada caruurta Banaadir Taleefoon

Maxamed Cusmaan Cumar
Email: 
[email protected]
Telefoon: +252615919255

Dr. Maxamed Ibraahim Cali
[email protected]




advertisements
 
Click here