Holland oo la hoyatey koobkii tartan ciyaareedka yurub ee ka socdey wadanka Holland

 

Waxaa maanta soo gabagaboobey tartankii ciyaareedkii ka socdey ka dib markii uu soo marey marxalado kala duwan ugu dambeyntiina lagu marti galiyay the hague(Denhaag) ciyaarahaas oo finalka maanta ay isugu soo bexeen Kanava (Finland) iyo Holland   labadaan  kooxood oo adag oo 2 daba soo bandhigeen ciyaar aad &  iyo aad u xiiso  iyo xamaasad badan waxaana 2da  kooxood oo isku soo qaadey weerero aad u culus koox walbana ey dooneyso iney koobka la hoyato Jaangoan oo ah tababaraha Kanava (Finland) ayaa garoonka geeskiisa kooxdiisa ula taagnaa hadalo dhiiri gelin ah.

 

Dhanka kale Cabdulaahi saliid oo hogaaminayey kooxda Holland ayaa isagana ku dhawaaqaayey ''riyadeydii wey rumoobeysaa koobka Holland baa leh'' taas oo holland 2-1 ku dirtey Kanava (Finland)  oo ey Finland gool qura ku heleen rigoore halka ey Holland 2 gool ku dhaliyeen waxaana halkaas Holland lagu gudoonsiiyey koobkii tartan ciyaareedka sanadka 2004 iyo biladihii.

 

Waxaan dhanka kale ey eheeyd iney kaalinta 3xaad u trtamaan Al-hijra (Uk) iyo Liecester (Uk) waqtiga oo yaraa awgeegii ayey suurtoobi weysay iney ciyaartaas dhacdo, taasoo ey kaalinta 3xaad Al-hijra lasiiyey

Mr Tarsan oo ka mid ah ciyaartooydii hore ee kubada koleyga hadana  wada howlo badan oo sportiga ayaa halkaas hadal gaaban ka yiri isagoo la hadlaayo dhalinyarada isaga oo sheegay muhiimada ey dhalinyaradaas u leeyihiin  iyo  iney ka qeyb galaan qaranka.

 

Sidoo kale wuxuu halkaas uga mahad celiyey dadka ku nool Denhaag sida Soomalinimada leh ey u soo dhoweeyeen ciyaartooyda. Waxaa sidoo kale la gudoonsiiyey koob ciyaartoyga ugu dhibcaha badnaa ama ugu goolal dhaliska badnaa Maxamuud dheere (Holland ), ciyaar wanaaga Asad (Finland), kooxda ugu asluubta wanaagsaneyd Gotenbrog (Sweden), tababaraha ugu wanaagsanaa Rabiic Al-hijra (Uk), boortayeeriga ugu wanaagsanaa Cabdiraxmaan Bashiir (Finland), waxaa kaloo la gudoonsiiyey koobab marti sharaf fara badan  iyo dadkii aad ula shaqeeyey intey ciyaaraha socdaan oo uu ka mid yahay Prof Carab, Ganjab, Prof Muuse, Sujaac, wariye Saida VIP, Macalin Bashiir, Tima Cadde, Yuusuf, Mr Tarsan, Dhabareey, Maxamed Muuse, A. Maxamed (Saneey), Prof Diini C/qadir (Yariisow) oo ahaa garsooraha  iyo Cadde oo markii la gudoonsiinaayey loogu yeeray gudoomiyaha badbaadada,  Sportiga Soomaaliyeed iyo waliba dadkaloo farabadan oo gacan ka geystey hirgelinta  iyo dhameystirka ciyaarahaas.

 

Ugu dambeyntii ayaa ciyaartoyda ku ciyaareysay magaca Holland ahna kooxda ku guuleysatey koobkaa la gudoonsiiyey  kabtanka Kooxda Yasiin (Shaash yare ) koobkoodii oo ay  halkaas  farxad iyo sawaxan aan la soo koobi karin Garoonka la dhex meerayeen.

 

 

 

W/D Fartuun Maxamuud Afrax

The Hague (Denhaag)
Saida Sheikh Ahmed

 

Kooxdaha Kanva, Finland iyo Leister, UK oo wada ciyaaray

Ciyaar aad loo sugayey oo maanta ka dhacdey Stadiumka magaalada Purmerend North ee wadanka Holland ciyaarytaas oo dhexmartay labada kooxood ee Kanava Finland iyo Laicester UK

 

Markay saacadda ahayd 15:00 galabnimo ayaa waxaa bilaabmay ciyaartan oo dhexmartay labadakooxood oo aad loo sugayey, kadib markay ciyaartu su kulul usocotay qadar dhan 20 daqiiqo ayaa ciyaaryahaynka kooxdda Kanava u wata numberka 9aad Yusuf Maxamuud gooshii ugu horaysay madax uga dhaliyey kooxda kasoo horjeeda, isla ciyaaryahankan ayaa waxaa usoorto gashay inuu shabaqa goolka kooxda Laicseter taabsiiyo sadexgool.

 

 

Ciyaartan oo ku dhamaatay 4-1 ayaa waxay guushu halkaas ku raacday kooxda horyaalka haysata ee Kanava Finland

 

Ciyaaro xiise leh oo maanta ka furmay wadanka Holland

23da bisha oo ahayd shalay ayaa waxaa ka furmay wadanka holland ciyaaro xiise leh oo ay kasoo qeybgaleen 8kooxood oo ka kala socda wadamada yurub, waxay ciyaaruhu si rasmi ah u bilaabmeen maanta oo ay taariikhdu tahay 24 kadib markii cilada awoodeena ka baxsay awgeed loo baajiyey ciyaarha maalinta 23da, oo lagu eekaystay kaliya xaflad oo bandhigyo meherehaan ay soo bandhigeen kooxaha ciyaaraha kasoo qeybgalay.

 

Ciyaar xiise leh ayaa waxay dhex markay galabta, 4kooxood oo ka kala socda wadamada Holland, Swedan, England iyo Norway.

 

Ciyaarta koobaad ayey waxay dhexmartay labada kooxood ee England(AL-hijra) iyo Norway iyadoo ciyaartuna ku dhamaatay barbarro dhac 3-3.

 

Ciyaarta kale ee Holland iyo Stokholm ayaa waxay ku dhamaatay 8-2 oo ay halkaas guusha ku raacday kooxda Holland. Tababaraha kooxda Holland Yusuf Yusuf ayaa waxaa sheegay inuu sugayey guushan ay maanta kooxdiisu soo hoysay.

 

Beri ayaa waxaa la sugayaa ciyaar aad u xiiso badan oo dhex mari doonta kooxda koobka haysata Finland (Kanava) iyo Leicester oo ka socota wadanka England .

 

Mahadsanidiin

Gudiga qabanqaabada ciyaaraha

 

Wadamada & kooxaha ka soo qaybgalaya Cayaaraha

Magaalada Waddanka
Stockholm Sweden
Alkamaar Holland
London UK
Gothenburg Sweden
Dan Hag Holland
Leister UK
Helsinki Finland
Oslo Norway
Copenhegan Denmark

 

KASOO QEYBGAL WANAAGSAN

Gidiga qabanqaabada tartanka Eurosomsports