5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Dadaalka ay AMISOM ka gaysatay Soomaaliya Maahan mid la illoobi doono

A R A G T I D A
Hiiraan Online (Read in English)
Saturday, September 03, 2011


Ciidamada AMISOM ee sugan magaalada Muqdisho
Tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya , waddankeennu wuxuu galay jahwareer siyaasadeed, isagoo soo maray marxalado kala duwan oo si dhakhso ah ay mar walba xaaladuhu isu badalayeen.

Dal kasta iyo dad kasta oo dunidan ku nooli waxay leeyihiin taariikh, taasoo inta badan ay ku xusuntahay dadkii abaalka u galay iyo kuwii ka kala daadiyay xilliyadii ay ka jajabnayd.

Booqashadii uu Ra’iisal wasaaraha Turkigu ku tagay magaalada Muqdisho bishii aynu soo dhaafnay iyo gurmadkii ay dawladdiisu u fidisay dadka Soomaaliyeed xilli adag oo ay gacan u baahnaayeen, waxay baal dahab ah ka galaysaa buugga ay dadka Soomaaliyeed ku qoraan cid walba oo abaal wayn u gasha.

Hiiraan Online wuxuu la qabaa akhristayaashiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed sida ay uga maqsuudeen gacanta aynu ka helnay Turkiga oo ah mid aan mahad uga celinayno dawladda Turkiga.

Waxaa iyaguna mahad taas lamid ah mudan dawladaha Uganda iyo Burundi oo ciidamadooda u soo diray Soomaaliya, isla markaana suuragaliyay in madax sarsare oo ajnabi ah ay soo booqdaan Soomaaliya, maadaama ay sugeen ammaanka Ayraboorka caalamiga ah ee Aadan Cadde, dekadda Muqdisho iyo xarumaha kale ee muhiimka ah ee ay ku shaqayso DKMG ah ee Soomaaliya.

Iyadoo ay jirto in dagaalka socday ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan ayna taasi tiiraanyo ku tahay qof walba oo Soomaaliyeed ayaa haddana ciidamadani waxay ku waayeen qaar badan oo iyaga ka mid ah dadaalka ay ku xasilanayaan Muqdisho, iyagoo ku guulaystay inay Alshabaab ka baxdo magaalada , kadib markii ay dagaal aan dhammaad lahayn kula jireen muddo ka badan 4 sannadood.

Ciidamada labadan dal ee Afrikaanka ah waxay ku jireen safka hore ee dagaalka, xilli waddamada caalamku ay ka caga jideen inay ciidamadooda u soo diraan Soomaaliya, qaramada midoobayna ay ka dhaga adaygtay dalabkii looga doonayay inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya innagoo wada xasuusan hadalkii Ban ki Moon uu jeediyay 2008 kaasoo ahaa “No Peace To keep” oo macnaheedu yahay “kama jirto nabad la ilaaliyo Soomaaliya” hadalkaas oo ahaa mid uu meesha kaga saarayay in Soomaaliya ay tagaan ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.


Taliye ku-xigeenkii ciidanka AMISOM oo lagu dilay magaalada Muqdisho 17kii bisha Sept 2009
Waxaa kale oo iyana inaynu ogaanno mudan in boqollaalka kun ee qof ee macaluusha la il daran aysan gaareen goobaha ay dawladdu ka taliso haddii ayan suura galin lahayn ciidamada AMISOM, iyadoo ay muuqato in dadkaasi aysan arkeen hay’adaha gargaarka ee ajnabiga ah iyo saxafiyiinta caalamka ka imaanaya ee ku qulqulaya Soomaaliya, kuwaasoo suuragaliyay in indhaha caalamku ay ku baraarugaan sawirrada iyo muuqaallada naxdinta leh ee muujinaya qaabka ay noqdeen dadka ay macaluushu ragaadisay.

Maahan askarooda caadiga ah oo kaliya kuwa naftooda u huray Soomaaliya, balse waxay ku waayeen qaar kamid ah taliyayaashii ugu sarreeyay ciidamadooda oo ay ka mid yihiin: Major General Juvénal NIYOYUNGURUZA oo ahaa taliye ku xigeenkii AMISOM oo lagu dilay weerar is miidaamin ah 2009kii iyo Lieutenant colonel Patrick SIBIHWA oo ahaa taliye ku xigeenkii guutada safka hore ee AMISOM.


Maydkii Patrick SIBIHWA
Waxaase sidoo kale xusid mudan in hawlgalada ciidamada AMISOM ay marar badan keentay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo bara-kac gaara shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho. Ciidamada AMISOM waa in ay dib u eegaan nidaamka ay ku hawl-galaan si loo ilaaliyo xuquuqda shacabka reer Muqdisho.

Soomaalidu way xasuusnaan doontaa cid walba oo gacan ka gaysata dib u soo curinta qarannimadeena iyo ka shaqaynta helidda Soomaaliya oo mid ah isla markaana ku taagan cagaheeda,taariikhduna way xusi doontaa dawlad walba iyo ruux walba oo kaga faa’iidaysta xaaladda aynu ku jirno inuu danahiisa gaarka ah ka fushado dalkeenna.

Marka la hadlayo saaxiibada dhabta ah ee Soomaaliya ee gacanta na siiyay Uganda iyo Burundi waxay gali doonaan kaalinta koowaad , iyadoo aynu wada ognahay sida ay naftooda inoogu hureen, ayna khatar u galiyeen darteen xubnaha ciidamadooda qalabka sida.

Wixii aragti ah, fadlan noogu soo hagaajiya: [email protected]