Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Kulan magaalada Beledweyne ku dhaxmaray mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlada Itoobiya ee gacanta militari siinaya maamulka gobollka, ayaa si gaar ah diirada loogu saaray xaalada nabad-galyo ee magaalada Beledweyne.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla ‘’Inji’’ oo warbaahinta la hadllay kadib kulanka labada dhinac ayaa sheegay in saraakiisha Itoobiya iyo mas’uuliyiinta maamulka gobollka uu ka dhaxeeyo iskaashi dhinaca amaanka ah, sidaa daraadeed kulanku ahaa oo kaliya mid leysku xog wareysanayay.
"Kulanka dhaxmaray labada dhinac waxaa uu ahaa is xog wareysi iyo sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa amaanka magaalada Beledweyne, waxaana leysku afgartay in laga hortago wax kasta oo wax u dhimi kara nabad-galyada dad shacabka ah ee ku dhaqan magaalada," ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan.
Mar la weydiiyay su’aal aheyd in kulanku uu ahaa mid ay dalbadeen saraakiisha Itoobiya, islamarkaana lagu dhaliilay maamulka wax ka qabasho la’aan la xiriirta dhinaca nabad-galyada waxaa uu sheegay in Axmed Inji in xitaa haddii ay dalbadaan kulanka saraakiisha Itoobiya waxba ku jabneyn.
"Anniga iyo saraakiisha Itoobiya waan wada shaqeynaa, hal cadow ayaan leenahay, sidaa daraadeed haddii uu dhinacooda naga dalbadaan in aynu ka wada hadallno xaalada nabad-galyada iyo haddii aan anaga dalbano waa isku mid, muhiimadu waxaa ay tahay in aan nabad-galyada ka wada shaqeyno,’’ ayuu yiri Axmed Inji.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa dhinaca kale meesha ka saaray in ay jiraan dilal marar badan ka dhax dhacay ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa Itoobiya, isaga oo sheegay in uusan ka warqabin arintaa iyada ah.
Kulanka dhaxmaray saraakiisha dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo si gaar ah diirada loogu saarno nabad-galyada magaalada Beledweyne oo hadda u muuqata mid soo hagaageysa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Itoobiya oo ka shiray Ammaanka guud ee Degmada Baladweyne
More News
- Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duleedka Degmada Baydhabo
- Odayaasha Dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho oo soo xulay Gudigga loogu talogalay xallinta khilaafaadka Odoyaasha
- Munaasibad loogu Dabaaldegayo maalintii ugu horeysay ee calan soomaali leedahay la taago oo xalay xarunta madaxtooyadda Somaliland laga xusay
- Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay inay wax walba ku garab Isgaataan Soomaaliya
- Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland oo Muqdisho kula kulmay Dhallinyarada Soomaaliyeed
- Maydadka Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ku dhintay gaari booyad ah oo ay ku neef-qabatoomeen
- Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay weerar gaadmo ah ku dishay 23-askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya
- Madaxweynaha Burundi oo sheegay in Ciidamadiisu aysan ka baxayn Soomaaliya inta nabadda laga soo celinayo
- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay inay qabteen Ruuxii ka dambeeyay dhaawaca Guddoomiyihii Maxkamadda Hargeysa
- Madaxweynaha DKMG Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland oo lagu wado inay ku kulmaan Magaalada Dubai
- Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga oo isku soo taagay xilka Madaxnimo ee dalka