Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 43-qof oo la rumeysan yahay inay kala ahaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa laga helay maydadkooda gaari booyad ah oo ay doonayeen inay kaga tallaabaan xuduudda dalka Tanzania.
Dadkan oo ahaa tahriibayaal ayaa waxaa maydadkooda laga helay gaarigii ay adag tahay in lagu dhex neefsado kaasoo marayay xaafadda Chitego ee degmada Kongwa oo laba kiiloo-mitir u jirta degmadii ay ka ambabaxeen oo lagu magacaabo Kiteto.
Sarkaal ka mid ah kuwa degmada maydadka laga helay oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in gaariga ay ku safrayeen 113-qof, isagoo sheegay in intii ka badbaaday shilka la hayo lana caawiyay, iyadoo la siiyo dawooyin iyagoo sheegay in maxkamad lasoo taagayo.
Wararka ayaa sheegaya in darawalkii gaariga uu ka cararay gaariga markii uu ogaaday in dadka qaarkooda ay geeriyoodeen, iyadoo booliisku ay sheegeen inaan la ogeyn halka uu aaday.
"Kaddib markii darawalkii gaariga booyadda ah uu ogaaday dhimashada dadkan ayuu baxsaday," ayay ilo wareedyada ciidamada ammaanku sheegayaan, kuwaasoo intaa ku daray in sidoo kale la hayo 70-ruux oo ka badbaaday shilka.
Afhayeenadda booliiska deegaanka uu shilku ka dhacay, Ms Advera Senso ayaa sheegtay in warkan ay maqleen goor dambe oo Talaadadii ah ayna ku guuleysteen inay goobta tagaan kana soo qaadaan maydadka.
Dalka Tanzania ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay marin ahaanta u sii maraan tahriibayaasha doonaya inay isaga gudbaan dalalka Bariga Afrika ku yaala iyo kuwa Koonfurta qaaradda ku yaalla, gaar ahaan dalka Koonfur Afrika.
Shilkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan shil kale oo ka dhacay haro weyn oo taalla dalka Malaawi ay ku dhinteen dad ka badan 40-qof oo weli uu muran ka jiro dalka ay u dhasheen, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay Soomaali ahaayeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Maydadka Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ku dhintay gaari booyad ah oo ay ku neef-qabatoomeen
More News
- Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duleedka Degmada Baydhabo
- Odayaasha Dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho oo soo xulay Gudigga loogu talogalay xallinta khilaafaadka Odoyaasha
- Munaasibad loogu Dabaaldegayo maalintii ugu horeysay ee calan soomaali leedahay la taago oo xalay xarunta madaxtooyadda Somaliland laga xusay
- Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay inay wax walba ku garab Isgaataan Soomaaliya
- Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland oo Muqdisho kula kulmay Dhallinyarada Soomaaliyeed
- Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Itoobiya oo ka shiray Ammaanka guud ee Degmada Baladweyne
- Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay weerar gaadmo ah ku dishay 23-askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya
- Madaxweynaha Burundi oo sheegay in Ciidamadiisu aysan ka baxayn Soomaaliya inta nabadda laga soo celinayo
- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay inay qabteen Ruuxii ka dambeeyay dhaawaca Guddoomiyihii Maxkamadda Hargeysa
- Madaxweynaha DKMG Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland oo lagu wado inay ku kulmaan Magaalada Dubai
- Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga oo isku soo taagay xilka Madaxnimo ee dalka