Dalka Imaaraadka Carabta oo ciidammo u soo Tababartay Dowladda Somalia


Jimco, November 14, 2014 (HOL) — Dufcaddii sadexaad ee ciidanka gaarka ah ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo tababar kusoo qaatay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho, kuwaas oo tababarkoodu la xiriira sare u qaadidda aqoon-tooda dhanka ciidamada.

Agaasime ku xigeenka madaxtooyda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Axmed oo la hadlayay warfidiyeenka ayaa sheegay inay ciidamadan ay yihiin qaybtii saddexaad oo tababar loogu qaaday dalka Imaaraadka, iyadoo horay loosoo tababaray labo duufcadood oo isugu jira rag iyo dumar.

Sidoo kale, agaasime ku xigeenka ayaa intaas ku daray in ciidankan ay yihiin kuwo la doonayo inay ka mid noqdaan kuwo sida gaarka ah u ilaalin doona Villa Somalia iyo wafdiyada heerka sare ah ee dalka imanaya.

“Ciidamadan maanta aan soo dhawaynayno waxaa lasoo baray qaabka loo difaaco madaxda sare ee dowladda iyo ilaalinta dadka muhiimka ah,” ayuu yiri Cabdi Maxamed oo ku ammaanay Imaaraadka Carabta tababarka ay soo siisay ciidamada loogu talogalay ilaalinta madaxtooyada iyo madaxda sare.

Dowladaha Imaaradka Carabta iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis dhanka ciidamada ah, iyadoo horey dowladda Imaaradku ay Soomaaliya uga wadday mashaariic horumarineed sida dib u dhiska iyo taakuleynta shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya