
Jimco, November 14, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo uu weli ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Somalia ayaa waxaa maanta booqasho ku tagay wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo AMISOM.
Wafdigan oo ka socday UNDP iyo AMISOM ayaa xarunta maamul u sameynta Koonfur-galbeed Somalia kula kulmay guddiga farsamada shirka, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo kulanka looga hadlay sidii loo dadar-gelin lahaa shirka maamul u sameynta saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.
Shirka maamul u sameynta saddexda gobol ayaa weli ka socda magaalada Baydhabo, xilli ay mas’uuliyiinta ugu sarreeya dowladda federaalka ay soo saareen go’aan wadajir ah oo ay ku dalbadeen in shirka hakad la geliyo, inkastoo ergada shirka ay ku gacan-sayreen go’aankaas.

Mid ka mid ah malaaqyada Digil iyo Mirifle, ahna afhayeenka malaaqyada, Cali Shiine ayaa xusay inaysan hakin doonin shirka, isagoo wafdigii maanta booqday Baydhabo ka dalbaday inay taageeraan qorshahan lagu dhisayo maamulka gobollada saddexda ah.
Sidoo kale, Malaaqa ayaa xusay in Isniinta soo socota ay dooran doonaan madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, isagoo intaas ku daray inuu socdo qorshaha qabanqaabada murashaxiinta ay kusoo jeedin doonaan wixii ay doonayaan inay qabtaan haddii xilka madaxweynaha loo doorto.
Dhanka kale, magaalada Baydhabo waxaa ka socda shir dib u heshiisiin ah oo u dhexeeya dowladda federaalka Somalia iyo maamulka lixda gobol ee ku sugan Baydhabo, iyagoo labada dhinac ay u saarayaan guddi sidii lagu fulin lahaa heshiisii ay horay u gaareen.

Hiiraan Online, Baydhabo