Maxkamadda Sare ee Ciidanka oo dil ku riday Askar Midkood lagu helay Kufsi

Jimco, November 14, 2014 (HOL) — Maxkamadda sare ee ciidanka Somalia ayaa xukun dil ah ku ridday laba askari oo midkood uu dil geystay, askariga kalena uu kufsi u geystay haweeney Soomaaliyeed.

Xukunkan maxkamadeed oo dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in labada askari lagu helay dambiyadii ay galeen, sidaa awgeedna lagu riday labadoodaba xukunno dil ah.

Aadan Cabdi Ibraahim oo 24-jir ah ayaa lagu helay dilka askari ka tirsanaa ciidanka, halka Axmed Nuur Guure-na oo 21-jir ah lagu helay kufsiga haweenay Soomaali ah oo aan la sheegin magaceeda.

Guddoomiyaha maxkamadda milateriga Soomaaliya Col. Tuur-yare ayaa sheegay in xukunka ay maxkamaddu ku ridday askartan ay qayb ka tahay dadaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo dhibaatooyinka ay askartu u geysanayaan ciidamada kale iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Col. Tuur-yare ayaa horay u sheegay in dil lagu xukumayo askarigii lagu helo inuu kufsi u geysto haweenka Soomaaliyeed, iyadoo tani ay si weyn uga qayliyeen xubnaha beesha caalamka ee caawiya Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadaha ciidamada qalabka sida ay dilal toogasho ku ridaan askar lagu helay dilal iyo kufsi ay haween Soomaali ah u geysteen, qaar ka mid ah askartii xukunkan lagu ridayna lagu fuliyay.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada ma sheegin xilliga xukunka dilka ah lagu fulin doono labadan askari ee la xukumay, iyadoo xukunka kaddib askartan dib loogu celiyay xabsigii ay ku xirnaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya