Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Daah-furtay Qorshe Xogta lagula Wadaagayo Shacabka


Sabti, Janaayo 02, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xassan Sh. Maxamuud ayaa billaabay abuuritaanka nidaamka dowladda ee daah-furnaanta, taasoo ay dowladdu ku doonayso in shacabka lala wadaago xogta dowladda; iyadoo Xasan Sheekh uu sheegay in daah-furnaanta iyo ilsa xisaabtanku ay asaas u yihiin miraha dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo hormarinta dhaqaalaha.

Nidaamka daah-furnaanta iyo dowlada oo lala xisaabtamo waa mid muhiimad gooni ah u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed, Shaqaalaha Dowladda, bushalda qaybaheeda kala duwan, iyo ganacsatada, waxayna u sahlaysa inay si saxan u is ticmaalaan akhbaaraadka dowladda.

Wasiirrka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti oo u gudbiyey Hindisahaan Golaha Wasiirada ayaa sheegay in  in Dawladdu xoojinayso kalsoonida ka dhexaysa shacabkeeda, taas oo sahlaysa in qofkasta uu awood u yeesho inuu fahmo oo la fal-galo nidaamka dawladnimada.

“Dawladdu waxay ka shaqaynaysaa sidii qof walba u dareemi lahaa inuu dawladda qayb ka yahay isaga oo aaminsan inuu dawladda isha ku hayo isla markaasna uu saxo wixii khaldama, waana arrin keeni karta in la wajaho dhinaca dawlad wanaagga isla markaasna la cirib tiro musuq-maasuqa iyo wax kasta oo ragaadin kara dawlad wanaagga, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, ayaa ah tiirarka asaaska u ah dawlad dimuqraaddi ah iyo hormarka dhaqaaalaha. Dawlad xilkas ah oo hufan waa midda suurtagalisa in dhammaan muwaadiniinta, shaqaalaha dawladda, ururada bulshada rayidka ah iy dhammaan bulshada inteeda kale ay si fudud u adeegsan karaan xogta dawladda” ayuu yiri wasiir Farkeeti

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadahaan dambe ay si xawli ah uu kor ugu socday adeegsiga internetka ee Soomaaliya, arrintaas oo dhiirro gelinaysa in dad weynaha fursad loo siiyo xogta Dawladda.

“Maanta, waxaa soo if-baxaysa dhismaha Qaranimo curdan ah, Bangigii dhexe waa la yagleelay, nidaam maamul maaliyadeed ayaa loo sameeyay Wasaaradaha muhiimka ah, waxaa la qoray lana ansxiyey sharciyo dowladnimada saldhig u ah, sidoo kale waxaa la magacaabay jagooyin muhiim ah oo dawladda ku caawinaya isla-xisaabtanka, wasaaradihii waa hawl galeen, waxaa saddex sano jirsaday Miisaaniyadda Dawladda oo dhaqan gashay. Waxaana maanta la joogaa xiligii dadweynuhu heli lahaayeen xogta iyo macluumaadka iyaga oo aan ku bixin kharash badan iyo waqti dheeraad ah. Haddii arrintaan si fiican loo dhaqan geliyo iyada oo la adeegsanayo qaabab casri ah waxaa dadweynaha iyo dawladaba ugu jira faa’iido weyn oo aan la soo koobi karin. Sharciga Hindisaha Daah Furnaantu waa arrin gogol xaar u noqon doontaa dib-u-habaynta guud ee waddanka”

Golaha wasiirada XF ayaa balanqaaday fulinta aragtida Madaxweynaha ee ku aadan daah-furnaanta dowladnimadda iyo in wadanka uu noqodo mid hogaamiya dhanka daah furnaata Qaarada Africa sanada 2020.

Hindisaha daah-furnaanta dowladnimo waa dadaal ballaaran oo ku yimid codsiga tooska ah ee Madaxwaynaha, waxaana hagaya xafiiska RW-ha, waxaana dhaqan gelinaya oo si ficil ahna u hoggaaminaysa Wasaarada Maaliyadda Somalia oo la kaashanaysa Wasaarado kala duwan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya