AXMED MADOOBE: Dhawaan Waxaa billaaban doona Howlgal loogu Magac-daray Webiga Jubba


Sabti, Janaayo 02, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kaddib safarro shaqo oo ku aaday qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa ka warbixiyay waxyaalihii usoo qabsoomay mudadii uu ku maqnaa dalka dibadiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu uga soo qeybgalay shir looga hadlayay sidii la isaga kaashan ammaanka guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ka Jubbaland ahaan ay waxyaalo badan kasoo wada-hadleen mas'uuliyiintii kala duwanayd ee uu lasoo kulmay.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirarkaasi ay qeyb ka ahaayeen kulamo looga hadlayay sida looga guul gaari karo shirka madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka ee sanadkan, kaa oo 10-ka bisha Janaayo  ka furmi doona Kismaayo.

Wuxuu intaas ku daray inuu rajo weyn ka qabo in shirkaasi ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah, islamarkaana lagu gaari doono go'aano dan u ah dalka iyo dadka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay socdaan qorsheyaal dagaal oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay uga suganyihiin seddexda Gobol ee Jubaland.

Madaxweeynaha ayaa xusay in bishan gudaheeda uu Jubooyinka ka bilaaban doono howlgal uu ugu yeeray "Howgalka Webiga Jubba" kaa oo uu xusay in Shabaab looga saari doono deegaanada Jubaland.

Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in dhawaan magaalada Kismaayo ay soo gaaraan ciidamo ka socda Itoobiya, kuwaa oo badali doona ciidamadii Sierra Leone ee isaga baxay dalka, islamarkaana ka Qayb-qaadan doona howlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya