Wararkii u dambeeyay dagaallo labadii casho ee lasoo dhaafnay ka dhacay Gobolka Hiiraan

Sabti, Janaayo 02, 2016 (HOL) — Xaalad degenaasho ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Buq-goosaar oo qiyaastii 50-KM Galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne; kaddib dagaalo culus oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku dhaxmaray maleeshiyaad ka kala tirsan beellaha Gaaljecel iyo Jajeelle.

Nabaddoon Axmed Xasan Cali oo ka mid ah waxgarad ku baxay sidii dagaalka loo joojin lahaa ayaa isagoo ku sugan  Buq-gosaar u sheegay HOL in xaaladdu deggen tahay, kaddib markii sidda uu hadalka u dhigay laga saaray garab ka mid ah dhinacyadii labadii casho ee lasoo dhaafay ku dagaallamay.

''Markii aan tagnay deegaan wax dagaal ah kama socon, waxaan ugu tagay garab ka mid ah dhnacyadii dirirtu dhaxmartay oo kaliya, xabada siddaa ayaa ayeey ku joogstay. Waxaan aragnay meydada shan ruux oo qof ka mid ah dumar aheyd goobta ayaan ku aasnay'' ayuu yiri nabadoon Axmed Xassan Cali.

Mar uu ka jawaabayay su'aal ahayd sababta soo cel-celisa dagaalka labada beelood ayuu sheegay in dhibaatada ugu weyn ka taagan tahay dhinac ka mid ah labada beellood oo sheeganaya in ay yihiin maamul gaar ah oo iskood u taagan, halka beesha kalana arintaa u aragto is abaabul qabiil oo la doonayo in iyaga lagu dhibaateeyo.

Nabaddoonka ayaa intaa ku darray in odayaasha deegaanka Buq-goosaar iska arkeen kana wadda hadlleen siddii oo loo xoojin lahaa nabada, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in wax-garadka dhinaca kala wali kulan yeellan madaama ay ka baxeen deegaanka.

Ugu dambeyn, waxgaradka labadan dhinac ayaa dhawaan hishiis ay goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan & odayaasha dhaqanka waxay Beledweyne ku kala saxiixdeen.

C/raxmaan Diini, Hiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya