4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Puntland oo shaqadii ka cayrisay taliye ciidan mid cusubna magacowday
 

Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland ,Axmed cilmi Cismaan Karaash ayaa taliye cusub u magacaabay taliska ciiddanka booliiska gobolka Cayn ee magaalo madaxdiisu ay tahay  Buuhoodle.

Waxaa xilkaan loo magacaabay gaashaanle dhexe Jaamac Saxardiid Barre oo horey uga tirsanaa saraakiisa ciidanka Puntland.

Puntland waxay xilkaan ka qaaday G/sare Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu), oo dhawaan lagu xiray magaalada Garowe, kadib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay amar diido.

Dhawaan, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sidoo kale taliye ciiddan booliis u magacaabay gobolka Sool, waxaana loo magacaabay  xilkaas G/Sare. Cismaan Yuusuf Muuse

Gobolka Sool badi waxaa maamula oo uu gacanta ugu jiraa maamulka Somaliland. Oo muddo ku dhow 15 sano kahor kala wareegay Puntland.

Halkaan hoose ka aqriso warqada magacaabidda


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]