
Jimco, December 26, 2025 (HOL) - Tirinta codadka doorashada golayaasha deegaanka ee Muqdisho ayaa si rasmi ah uga bilaabatay xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEBC), kadib markii ay soo geba-geboowday codbixintii Khamiistii ka dhacday caasimadda.
Muwaadiniin ku kala nool degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa si joogto ah uga qeyb qaatay codbixinta, iyagoo doortay wakiilladooda goleyaasha deegaanka, taas oo ah doorashadii tooska ahayd ee ugu horreysay ee Muqdisho ka dhacda ku dhowaad 60 sano kadib.
Doorashada ayaa ku qabsoontay jawi amni oo aad loo adkeeyay, iyadoo goobaha codbixinta ay si nabad ah u xirmeen fiidkii.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku dhawaaqay dhammaadka codbixinta, wuxuuna xaqiijiyay in tirinta codadka ay bilaabatay isla markiiba.
Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyay ka qeybgalka ballaaran ee dadweynaha, isagoo ku tilmaamay mid muujinaya rabitaanka muwaadiniinta Muqdisho ee ku aaddan ka qeybgalka dimuqraadiyadda, kadib tobannaan sano oo aysan jirin doorashooyin toos ah oo caasimadda ka dhaca.
Sidoo kale, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ammaanay hay’adaha ammaanka ee dalka, isagoo sheegay in doorkooda isku-duwidda iyo sugidda amniga uu ahaa mid horseeday in doorashadu ku dhacdo si nabad ah, isla markaana ay dadku u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah iyada oo aan wax qalqal ah jirin.
Mas’uuliyiinta doorashada ayaa tilmaamay in tirinta codadka ay u socon doonto habraacyo hufan oo daah-furan, natiijooyinkana lagu dhawaaqi doono marka la dhammeeyo hubinta iyo xaqiijinta codadka.
Doorashadan ka dhacday Muqdisho ayaa si weyn loogu arkaa astaan taariikhi ah oo u gogol xaaraysa mustaqbalka doorashooyin toos ah oo dalka oo dhan ka dhaca.