Turkiga, Masar, Soomaaliya iyo Jabuuti oo si adag u Cambaareeyay Tallaabada Israa’iil ee Aqoonsiga Somaliland

Cabirka Farta

Jimco, December 26, 2025 (HOL) - Dowladaha Turkiga, Masar, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, iyagoo ku adkeeyay inay si buuxda u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Cabdul Caati, uu taleefoonno kala duwan kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar.

Intii ay socdeen wada-hadalladan, wasiirradu waxay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika.

Wasiirrada ayaa si wadajir ah u mar kale xaqiijiyay taageeradooda buuxda ee ku aaddan madax-bannaanida, amniga iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ka digay in tallaabooyin hal dhinac ah ay halis gelinayaan xasilloonida gobolka.

Waxay sidoo kale sheegeen in aqoonsiga gobollo gooni u goosad ah uu yahay arrin khatar ah oo abuuraysa tusaale xun, kana hor imaanaya mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana dhaawac ku ah nidaamka caalamiga ah.

Ugu dambeyn, wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen diidmada isku day kasta oo lagu abuurayo xaqiiqooyin cusub ama lagu dhisayo hay’ado is barbar socda oo wiiqaya hay’adaha dowladeed ee sharciga ah ee Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida dalalka, lana xoojiyo dadaallada nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika.