Soomaaliya oo si adag uga hortimid sheegashada Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland

Cabirka Farta

Jimco, December 26, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diidday tallaabo ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsantay Somaliland, iyadoo ku tilmaantay weerar ula kac ah oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya.”

War-saxaafadeed ay soo saartay, dowladda federaalka ayaa sheegtay in Somaliland ay tahay qayb muhiim ah, aan la kala saari karin oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin cid dibadda ah oo awood u leh inay wax ka beddesho midnimada ama xuduudaha dalka.

“Soomaaliya waa hal dowlad oo madax-bannaan, aan la qaybin karin,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo lagu adkeeyay in aqoonsi, ku dhawaaqid ama heshiis kasta oo lid ku ah arrintan uu yahay mid waxba kama jiraan oo aan lahayn saameyn sharci ama siyaasadeed marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Dowladdu waxay intaas ku dartay in arrimaha la xiriira midnimada, nidaamka dastuuriga ah iyo maamulka Soomaaliya ay yihiin go’aan u gaar ah dadka Soomaaliyeed, laguna xallin karo oo keliya hab sharci ah, dastuuri ah oo nabad ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee xuquuqda sharciga ah ee dadka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin is-go’aan qaadasho, iyadoo si adag loo cambaareeyay gumaysiga, barakicinta qasabka ah iyo ballaarinta degsiimooyinka. Soomaaliya waxay sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin in dadka Falastiin laga dhigo kuwo aan dal lahayn.

Dhanka amniga, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay inaysan oggolaan doonin dhismaha saldhigyo milatari oo shisheeye ama heshiisyo dhuleed oo dalka u soo jiidi kara iskahorimaadyo wakiillo ah ama colaado goboleed iyo kuwo caalami ah.

Waxay ka digtay dowladdu in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay halis ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana ay wiiqayaan dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay weli ka go’an tahay wada shaqeyn caalami ah oo ku saleysan is-ixtiraam, sharciga caalamiga ah iyo iskaashi goboleed, waxayna xaqiijisay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo madax-bannaanida, midnimada iyo xuduudaheeda caalamiga ah.

Ugu dambeyntii, dowladda ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay midoobaan oo feejignaadaan, halka ay beesha caalamkana ka codsatay inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, mabaadi’da faragelin la’aanta iyo sharafta dhuleed, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.