Axad, June 24, 2012 (HOL) — Falalkan oo kala ahaa qarax ka dhacay degmada Madheera oo ay ku dhaawacmeen laba sarkaal oo booliiska dalkaas ka tirsan, qof Soomaali ah oo lagu dilay Dhadhaab iyo kooxo hubeysna oo afduubay gaari ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay ka dhacay dalka Kenya.
Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Kenya ee gobolka Waqooyi-bari, Philip Ndolo ayaa in labada sarkaal ee ka tirsan booliiska ay qabaan dhaawacyo halis ah, ayna miinadu la qaraxday mar ay lasoo laabteen xuduudda Kenya iyo Soomaaliya u dhexeysa.
"Saraakiisha waxay kasoo laabteen xuduudda, markii ay ku qaraxday miino lagu xiray geed dushiis," ayuu yiri Ndolo, isagoo sheegay in labada sarkaal la dhigay isbitaalka degmada Mandheera.
Weerarkan ayaa lagu eedeeyay Al-shabaab, iyadoo la sheegay inay ku dhaawacday 30-ruux qaraxyo noocan oo kale ah oo lagu xiray geedo, iyadoo booliiska Kenya ay qabqabteen 15-qof oo lagu eedeeyay inay qaraxan abaabuleen.
Kooxo hubeysan ayaa waxay habeenkii Jimcaha ka dhaceen deegaanka Libooyo oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya gaari kuwa rakaabka ah, iyagoo ula baxsaday dhinaca Soomaaliya.
Rakaabkii gaariga la socday qaarkood ayaa laga soo xigtay in rag hubeysan ay ku joojiyeen gaariga meel ku dhow xadka ayna darawalkii iyo dadkii sarnaa ku amreen iyagoo markaas kaddib gaariga watay.
"Dhammaan falalka ka dhacaya gobolka waxaa geysanaya kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, dadka deegaanku aad ayay u baqayaan waayo khatar ayay ugu jiraan wax walba, mana jirto cid ilaalinaysa ammaankooda," ayuu saxaafadda u sheegay darawalkii gaariga laga dagsaday oo argagaxsan.
Sidoo kale, kooxo hubeysan ayaa isla habeenkii Jimcaha ku dilay xerada Dhagaxley oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab ku yaalla dukaanle Soomaali ah, kaddib markii lagu weeraray dukaankiisa.
"Ganacsadaha waxaa toogtay shan ruux oo qoryo fudud ku hubeysan xilli habeen ah, wayna baxsadeen, ma garanayno cid ay ahaayeen, maydkana dadka xerada ku nool ayaa qaaday," ayuu yiri guddoomiyah xerada Dhagaxley, C/fitaax Ismaaciil.
Dilkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo hay'adaha samafalka ee caalamiga ah ay ka dayriyeen xaaladda ammaan ee xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo ah xeryaha ugu weyn dunida, waxaana ku nool in ku dhow nus malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Falal ay ka mid yihiin Qarax, Afduub iyo dil Qorsheysan oo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari Kenya
More News
- Masar oo yeelatay madaxweynihii ugu horreeyay ee si xor ah loo soo doorto
- Koox Soomaaliyeed oo ka qeybgashay Tartanka K/cagta Jaaliyadaha Adduunka ee Austria lagu qabtay
- Madaxweyne Axmed Siilaanyo “Dadka ay abaartu saamaysay waxaa lagu qiyaasay in ay gaadhayaan ilaa 20,000 (labaatan kun) oo qoys”
- Dahabshiil Group oo mashaariic khayriya kana kooban deeq lacageed iyo dhismayaal ka hirgaliyay Magaalada Boorama
- Hay'adda samafalka ee NRC oo Caalamka ugu baaqday inay kordhiyaan gargaarka ay siinayaan Soomaaliya
- Hay'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Odoayaasha dhaqaanka Siminnaar ugu qabtay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay Murashaxiinta sii badanaya ee ka qaybgalaya doorashada Madaxnimo
- Guddi ku howlan daminta Xiisado Colaadeed oo ka taagan qaybo ka mid ah Gobollada Galgaduud iyo Mudug
- Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madexnimo Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee Somaliland xalay ku toogtay Magaalada Laascaanood