Axad, June 24, 2012 (HOL) — Iyadoo mar kale deegaanno ka tirsan gobollada Galguduud iyo Mudug ay ka soo if baxeen dilal u dhaxeeya beelo halkaa wada dega oo marka danbana keeni kara dagaallo ka dhax qarxa labada beelood, ayaa waxaa arintaa u is taagay sidii looga hortagi lahaa guddi bilihii ugu danbeeyayba ku howlanaa sidii nabad looga dhalin lahaa deegaannada ay colaaduhu ka jiraan.
Xassan Xaanshi Max’uud oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga dhax dhaxaadinta beelaha ku dirirsan labada gobol, ayaa sheegay in ay ka war hayaan falalka soo cusboonaaday, islamarkaana u is taageen sidii ay uga hortagi lahaayeen.
"Guddigu waxaa uu u taagan yahay daminta xiisadaha colaadeed ee halkaa ka soo cusboonaaday, waxaana hubaal ah in cid kasta ay ka dharagsan tahay khasaaraha marka danbe laga dhaxlo dagaalka," ayuu yiri Xasan Xaashi Maxamuud.
Waxaa uu ugu baaqay waxgaradka labada beelood ee iyo guud ahaan dadka ku dhaqan deegaannada xiisaduhu ka jiraan in ay ka shaqeeyaan nabada, kana hortagaan dhinacooda dagaal lagu hoobto oo mar kale dhaca.
Dhawaan ayeey ahayd markii kooxo maleeshiyo ah dulaan ku qaadeen dad xoola dhaqato ah oo ku nool deegaan ka tirsan gobollka Galguduud, waxaana goobtaas ku dhintay hal ruux, mid kalana waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana tan keentay baqdinta laga qabo in mar kale uu dagaal ka soo dhax qarxo beelaha halkaa wada dega.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Guddi ku howlan daminta Xiisado Colaadeed oo ka taagan qaybo ka mid ah Gobollada Galgaduud iyo Mudug
More News
- Masar oo yeelatay madaxweynihii ugu horreeyay ee si xor ah loo soo doorto
- Koox Soomaaliyeed oo ka qeybgashay Tartanka K/cagta Jaaliyadaha Adduunka ee Austria lagu qabtay
- Madaxweyne Axmed Siilaanyo “Dadka ay abaartu saamaysay waxaa lagu qiyaasay in ay gaadhayaan ilaa 20,000 (labaatan kun) oo qoys”
- Dahabshiil Group oo mashaariic khayriya kana kooban deeq lacageed iyo dhismayaal ka hirgaliyay Magaalada Boorama
- Hay'adda samafalka ee NRC oo Caalamka ugu baaqday inay kordhiyaan gargaarka ay siinayaan Soomaaliya
- Hay'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Odoayaasha dhaqaanka Siminnaar ugu qabtay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay Murashaxiinta sii badanaya ee ka qaybgalaya doorashada Madaxnimo
- Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madexnimo Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee Somaliland xalay ku toogtay Magaalada Laascaanood
- Falal ay ka mid yihiin Qarax, Afduub iyo dil Qorsheysan oo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari Kenya