Axad, June 24, 2012 (HOL) — Hay'adda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa ugu baaqday dunida inay kordhiyaan gargaarka ay siiyaan carruurta Soomaaliyeed ee ka cararaya abaaraha iyo colaadaha ka jira Soomaaliya.
Xagaagii lasoo dhaafay kumannaan caruur ah ayaa u dhintay abaaro ka dhashay cunno yaraan, iyadoo colaadaha ka jira Soomaaliya ay sababeen in hay'adaha gargaarku ay tegi waayaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka caawinaadda u baahan.
Kumannaan carruur ah iyo qoysaskooda ayaa ka barakacaya goobaha ay colaaduhu ka jiraan, kuwaasoo gaaraya xeryaha qoxootiga Dhadhaab, iyadoo laga dayrinayo xaaladda ammaan ee xeryahaas.
Hay'adda NRC waxay sheegtay inay gacan ka geysanayso sidii ay u gargaari lahayd caruurtaas, iyadoo dunidana ku wargelisay inay kordhiyaan gargaarka ay siinayaan caruurtaas.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa sannadkii hore ka dhacay abaaro daran oo sababay inay dad aad u fara badan kasoo barakacaan deegannadooda, kuwaasoo qaarkood gaaraya xeyaha qoxootiga ee dalalka Kenya iyo Itoobiya, halka kuwo kale oo fara badanna ay soo gaareen Muqdisho.
Hadalka hay'adda NRC ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay hay'adaha gargaarku ay daboolka ka qaadeen in xeryaha qoxootiga Dhadhaab ay yihiin kuwo aysan dadka qoxootiga ah ku noolaan karin marka la eego dhinaca ammaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hay'adda samafalka ee NRC oo Caalamka ugu baaqday inay kordhiyaan gargaarka ay siinayaan Soomaaliya
More News
- Masar oo yeelatay madaxweynihii ugu horreeyay ee si xor ah loo soo doorto
- Koox Soomaaliyeed oo ka qeybgashay Tartanka K/cagta Jaaliyadaha Adduunka ee Austria lagu qabtay
- Madaxweyne Axmed Siilaanyo “Dadka ay abaartu saamaysay waxaa lagu qiyaasay in ay gaadhayaan ilaa 20,000 (labaatan kun) oo qoys”
- Dahabshiil Group oo mashaariic khayriya kana kooban deeq lacageed iyo dhismayaal ka hirgaliyay Magaalada Boorama
- Hay'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Odoayaasha dhaqaanka Siminnaar ugu qabtay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay Murashaxiinta sii badanaya ee ka qaybgalaya doorashada Madaxnimo
- Guddi ku howlan daminta Xiisado Colaadeed oo ka taagan qaybo ka mid ah Gobollada Galgaduud iyo Mudug
- Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madexnimo Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee Somaliland xalay ku toogtay Magaalada Laascaanood
- Falal ay ka mid yihiin Qarax, Afduub iyo dil Qorsheysan oo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari Kenya