Maxkamad ku taala dalka Mareykanka oo xukun xabsi ah ku riday Muwaadin Kenyan ah oo xiriir la lahaa Al Shabaab

Arbaco, December 24, 2025 (HOL) - Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaadin Kenyan ah oo lagu magacaabo Cholo Abdi Abdullah, kadib markii lagu helay dambi la xiriira qorshe argagixiso oo ujeedkiisu ahaa in la fuliyo weerar la mid ah kii 11-kii Sebtembar 2001, kaas oo lagu eedeeyay inay qorsheyeen ururka Al-Shabaab ee xiriirka uu lalaaha.

Xukunka ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Isniintii, 22-ka Diseembar, waxaana wadajir u shaaciyay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Mareykanka ee New York, Waaxda Amniga Qaranka, iyo Hay’adda FBI-da.

Garsoore Analisa Torres ayaa xukunka riday kadib markii Abdullah lagu helay dambiyo culus, oo ay ka mid yihiin, Inuu taageero iyo agab siiyay urur argagixiso shisheeye, Inuu ku lug lahaa shirqool lagu dili lahaa muwaadiniin Mareykan ah, Qorshe afduub iyo burburin diyaaradeed Iyo falal argagixiso oo ka gudba xuduudaha caalamiga ah.

Dambiyadaas ayaa lagu caddeeyay maxkamad xeerbeegti ah, taas oo go’aankeeda soo saartay 4-tii Nofeembar 2024.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in Cholo Abdi Abdullah uu ahaa xubin si heer sare ah u tababaran oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu doonayay inuu noqdo duuliye ganacsi, si uu u hirgeliyo weerar halis ah oo ka dhan ah Mareykanka.

Xeer-ilaaliyaha New York, Jay Clayton, ayaa sheegay in xukunkaasi uu fariin cad u dirayo dhammaan shabakadaha argagixisada caalamiga ah, isla markaana Mareykanku uusan marnaba ka gaabin doonin la dagaallanka argagixisada meel kasta oo ay joogaan.