
Arbaco, December 24, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa soo saaray baaq madaxweyne oo ku aaddan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanno ka mid ah Koonfur Galbeed, taas oo saameyn ba’an ku yeelatay nolosha shacabka, gaar ahaan reer guuraaga iyo beeraleyda.
Baaqan oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha, kuna taariikheysan Baydhabo 24-ka Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in abaartu ay sababtay dhibaatooyin dhinaca nolol-maalmeedka ah, isla markaana ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar bani’aadannimo si loo badbaadiyo dadka ay xaaladdu saameysay.
Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan Wasaaradda Gargaar iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed (KGGS), inay dardargeliyaan dadaallada gurmadka, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed, ganacsatada iyo qurba-joogta inay ka qeyb qaataan taakuleynta iyo garab istaagga walaalahooda ay abaartu saameysay, si loo yareeyo saameynta masiibadan dabiiciga ah.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay in dowladdu ka go’an tahay ilaalinta nolosha shacabka, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo gargaar degdeg ah iyo xal waara oo lagaga hortagayo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha soo noqnoqda.
Maalmihii lasoo dhaafay ayuu kormeer Shaqo ku joogay Laftagareen Degmooyinka Xudur iyo Waajid halkaas uu ku soo arkay dad la dhiban xaalado bini'adamnimo oo aad u daran una baahan gargaar deg deg ah.
