
Arbaco, December 24, 2025 (HOL) - Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dib-u-furis lagu samaynayo diiwaanka codbixiyayaasha, taas oo xisbiyadu ay ku muransanaayeen qaabka loo qabanayo, iyada oo xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ay doonayeen in kali ah la diwaangaliyo dadka aan hore isu-diwaangalin halka xisbiga Kaah uu rabay in dadka oo dhan dib loo diwaangaliyo.
Komishanku wuxuu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo xeerarka doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, isla markaana ujeeddadiisu tahay in la helo hannaan daah-furan oo xaqiijiya ka-qaybgal ballaadhan oo muwaadiniinta ah.
Sida uu Komishanku sheegay, dib-u-furista diiwaangelintu waxay ku salaysnaan doontaa adeegsiga xogtii hore ee diiwaanka codbixiyayaasha, iyadoo lagu samaynayo cusboonaysiin (update). Arrintan ayaa fursad siinaysa muwaadiniinta gaadhay da’da codbixinta ee aan hore isu diiwaangelin, kuwa kaadhadhkoodu lumeen, iyo sidoo kale dadkii doonaya inay beddelaan goobaha ay ka codaynayaan.
Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in dib-u-furista diiwaangelinta laga fulin doono illaa 500 goobood oo ku kala yaalla gobollada iyo degmooyinka, si loo hubiyo in adeeggaasi si siman u gaadho shacabka.
Waxa kale oo Komishanku tilmaamay in xogta hadda jirta ee diiwaanka codbixiyayaasha lagu samayn doono sixitaan farsamo, kadib talooyin ay soo jeediyeen khubaro madax-bannaan oo hore u qiimeeyay nidaamka diiwaangelinta.
Komishanku wuxuu intaas ku daray in hannaanka diiwaangelinta iyo sixitaanku noqon doono mid daah-furan, isla markaana ay Saddexda Xisbi si buuxda uga qayb-qaadan doonaan kormeerkiisa.
Ugu dambayn, Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in dhammaadka bisha January 2026 la samayn doono qiimayn guud, kadibna la shaacin doono jadwalka rasmiga ah ee bilowga diiwaangelinta iyo wakhtiga qabsoomidda doorashooyinka, si waafaqsan xeerarka doorashooyinka.
Hadaba, xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa soo dhaweeyay go'aanka guddida, lakiin lama hubo sida xisbiga Kaah, uu uga falcelin doono madaama oo uu ka aragti duwanaa dhammaan xisbiyada kale.

