Booliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay askari ku eedeysan qalqal galin dadweyne

Arbaco, December 24, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhiga degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda eedaysann qalqal galin dadweyne.

Askariga ku eedeysan qalqal galinta dadweyne ayaa lagau magacaaba Dable Xuseen Idoow Cabdullaahi, kaasoo dad shacab ahaa ku qalqal galiyay goob ay ku sugnaayeen, isagoona xabado ka dhex furay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in eedaysnaha uu hada ku jira gacanta ciidanka Booliska, islamarkaana loo gudbin doono Maxkamadda ku shaqada leh.

Qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska ayaa sidoo kale lagu wargaliyay dhamaan ciidamada Qalabka sida iney ku ekaadaan goobahooda shaqo inta ka dhamaaneyso doorashada lagu wado in berito ka qabsoonto Muqdisho. 

Shalay ayay aheyd markii ay gacanta kusoo dhigeen Booliska Soomaaliya 11 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in hub sharci darro ah ay ku dhex wateen Caasimada Muqdisho ee u diyaar garobeysa doorashada golayaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir.