Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa loo geeyay Muqdisho si ay uga fuliyaan howlo qarsoodi ah, sida uu baahiyay Press TV oo laga leeyahay dalka Iiraan, ayna soo daabacday wakaaladda wararka Mareyanka ee AP.
Telefishinka Iiraan laga leeyahay ayaa sheegay in ilo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u xaqiijiyeen in 390-askari oo Mareykan ah ay ku sugan yihiin Muqdisho ayna labadii bilood ee lasoo dhaafay tababarro siinayeen ciidamada DKMG Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo, Cabdiwahaab Maxamed Cali ayaa Press TV u sheegay in ciidamada Mareykanka oo gaaraya 390-askair oo ay ku jiraan 38-sarkaal ay si qarsoodi ah kusoo gaareen Muqdisho iyagoo kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Ilo wareedyada telefishinku uu xiganayo ayaa waxay shegeen in ciidankan ay ka sameysteen Muqdisho xabsiyo qarsoodi ah, sidoo kalena ay askarta Soomaaliya ku duraan daroogo khatar ah.
Sidoo kale, Press TV waxay sheegtay in warkan uu imaanayo xilli ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeyn u geysteen deegaan ka tirsan ceelasha biyaha, ayna ku dileen 39-qof oo aan la sheegin waxay ahaayeen.
Horraantii bishii Jannaayo ee sannadkan, ayay saraakiisha Aqalka Cad ee Maerykanka waxay sheegeen inay go'aansadeen inay weerarro qayb ka ah dagaalka lagula jiro argagaxisada ay ku qaadayaan Soomaaliya.
Mareykanka ayaa wuxuu duqeymaha diyaaradaha aanay cidna wadin ka fuliyaan dalalka Bakistaan, Afgaanistaan, Yemen iyo Soomaaliya, iyagoo sheegaya inay bar-tilmaameedsanayaan goobo cayiman oo ay ku sugan yihiin islaamiyiinta xag-jirka ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Boqolaal Ciidammo Mareykanka ah oo la sheegay inay si qarsoodi ah uga howl-galaan Magaalada Muqdisho
More News
- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Malez Zenaw
- Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowlada Somalia oo sheegay in Guddiga Dastuurka uu xiligoodii dhamaaday
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kasoo horjeestay Go'aankii Odayaasha Dhaqanka ee ahaa in la kordhiyo Kuraasta Baarlamaanka
- Kulan saraakiil Itoobiyaan ah iyo Maamulka Ahlusunna uga socda Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud
- Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo oo lagu wareejinayo Ammaanka garoonka Diyaaradaha Degmadaas
- Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Itoobiya ugu dhoofay wadahadallo uu la yeesho Ra'iisul Wasaaraha Dalkaas
- Xaalado nolol xumo oo ka Taagan Degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku dhow dhow ee Gobolka Jubada Hoose
- Khilaaf salka ku haya Dastuurka oo soo dhexgalay Madaxda DKMG iyo Guddiga Qabyo Qoraalka Dastuurka
- Qaraxyo ka dhacay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo Sababay khasaare isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac
- Dagaal khasaare geystay oo Gobolka Bay ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab