Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Qoysas dhowr ah oo ku dhaqan degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku xeeran ayaa ka cabanaya dhibaatooyin nolol xumo oo lasoo darsay, xilli mudooyinkii u danbeeyay ay goobahaasi ka taagnaayeen dagaallo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.
Nabadoon Max'ed C/llaahi oo kamid ah dadka ku dhaqan Degmada Badhaadhe ayaa HOL u sheegay in degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku xeeran ay ka jiraan dhibaatooyin nolol xumo oo aad u liita, isagoona sheegay in dagaallo soo noqnoqday iyo abaarihii ku dhuftay gobolka ay sababeen in ay ku ceertoobaan boqollaal qoys oo ku dhaqnaa halkaasi.
"Degmada Badhaadhe iyo deegaanka Kulbiyow waxa ku dhaqan qoysas fara badan oo ay ku adagtahay in ay helaan raashiinka quutul duruuriga ah, waxaa jiro qoysas badan oo kusoo barakacay degmada Badhaadhe kuwaasoo aan ilaa imika helin wax dib u dejin ah," ayuu Nabadoonku hadalkiisii ku daray.
Sidoo kale Nabadoon Max'ed C/lllaahi ayaa sheegay in hadii aan kaalmo deg-deg ah lala soo gaarin qoysaskan ku dhibaateeysan degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku xeeran in ay xaaladooda nololeed kasii dari doonto.
Saraakiisha dowladda KMG ee gobolka Jubada Hoose ayaa dhawaan ugu baaqay hay'adaha samafalka in ay kaalmo lasoo gaaraan dadka ku dhibaateeysan gobolka, iyadoogoona sheegay in ay damaanad qaadi doonaan ammaankooda.
Gobolka jubada hoose oo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya ee ay sida ba'an u saameeysay abaartii ku dhufatay dalka Soomaaliya, ayaa waxa isku horfadhiyo Xoogagga Xarakada Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya, waxaana had iyo jeer ka dhaca dagaallo dhexmara dhinacyadaasi.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Xaalado nolol xumo oo ka Taagan Degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku dhow dhow ee Gobolka Jubada Hoose
More News
- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Malez Zenaw
- Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowlada Somalia oo sheegay in Guddiga Dastuurka uu xiligoodii dhamaaday
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kasoo horjeestay Go'aankii Odayaasha Dhaqanka ee ahaa in la kordhiyo Kuraasta Baarlamaanka
- Kulan saraakiil Itoobiyaan ah iyo Maamulka Ahlusunna uga socda Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud
- Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo oo lagu wareejinayo Ammaanka garoonka Diyaaradaha Degmadaas
- Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Itoobiya ugu dhoofay wadahadallo uu la yeesho Ra'iisul Wasaaraha Dalkaas
- Khilaaf salka ku haya Dastuurka oo soo dhexgalay Madaxda DKMG iyo Guddiga Qabyo Qoraalka Dastuurka
- Qaraxyo ka dhacay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo Sababay khasaare isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac
- Boqolaal Ciidammo Mareykanka ah oo la sheegay inay si qarsoodi ah uga howl-galaan Magaalada Muqdisho
- Dagaal khasaare geystay oo Gobolka Bay ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab