Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ku sugna halkaas lagu wado inay la wareegaan ammaanka garoonka diyaaradaha ee Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya.
Magaalada Baydhabo oo bishii Feberaayo ee sannadkan ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ka qabsadeen Al-shabaab ayaa bishii Abriil ee sannadkan waxaa la geeyay 100-askari oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaasoo hordhac u ah 2,500-askari oo la geynayo gobollada Bay iyo Bakool.
"Baydhabo waxaa soo gaaray saraakiil ka socda AMISOM oo u golgol-xaaraya sidii ammaanka garoonka Baydhabo loogu wareejin lahaa ciidamadooda," ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka ku sugan degmada Baydhabo.
Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dalka Itoobiya, waxaana garoonkaas ka dagay diyaarado fara badan tan iyo markii laga qabsaday degmadaas xoogagga Al-shabaab.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka oo Al-shabaab ay awood badan ku leedahay, inkastoo aan la faahfaahin goobaha ay tagayso.
Magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa waxay ka mid tahay dhowr degmo oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya kaga sugan yihiin gobolkaas oo awood badan ay ku ahaayeen xoogagga Al-shabaab oo dhawaan ku biiray Al-Qaacida.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo oo lagu wareejinayo Ammaanka garoonka Diyaaradaha Degmadaas
More News
- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Malez Zenaw
- Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowlada Somalia oo sheegay in Guddiga Dastuurka uu xiligoodii dhamaaday
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kasoo horjeestay Go'aankii Odayaasha Dhaqanka ee ahaa in la kordhiyo Kuraasta Baarlamaanka
- Kulan saraakiil Itoobiyaan ah iyo Maamulka Ahlusunna uga socda Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud
- Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Itoobiya ugu dhoofay wadahadallo uu la yeesho Ra'iisul Wasaaraha Dalkaas
- Xaalado nolol xumo oo ka Taagan Degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku dhow dhow ee Gobolka Jubada Hoose
- Khilaaf salka ku haya Dastuurka oo soo dhexgalay Madaxda DKMG iyo Guddiga Qabyo Qoraalka Dastuurka
- Qaraxyo ka dhacay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo Sababay khasaare isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac
- Boqolaal Ciidammo Mareykanka ah oo la sheegay inay si qarsoodi ah uga howl-galaan Magaalada Muqdisho
- Dagaal khasaare geystay oo Gobolka Bay ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab